Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    February 20, 2026
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Al-shabaab oo Qaraxyada u adeegsada Baabuurta ay dhacaan (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Al-shabaab oo Qaraxyada u adeegsada Baabuurta ay dhacaan (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Al-shabaab oo Qaraxyada u adeegsada Baabuurta ay dhacaan (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: October 2, 2024
5 Min Read
Share

Mar kasta oo qaraxyo ay ka dhacaan magaalada Muqdisho waxaa caadi ah in ay geystaan khasaare isugu jira naf iyo maal, oo soo gaara dad shacab ah iyo mas’uuliyiin intaba, waxaana la aaminsan yahay in Qaraxyada Muqdisho ka dhaca ay badankoodu dhacaan waqtiyo kala duwan oo maalintii ah, sida subax hore duhurradii iyo galbihii,  Maadama xilliga habeenkii ah uu yahay waqti ay dadku ka nasanayaan shaqooyinka, isla markaana ay iska joogaan guryahooda halka kuwa kalana ay ku caweeyaan goobaha hoteellada, Makhaayadaha iyo xaruumaha kale ee bulshadu ku kulmaan.

Marka quruxda magaaladu muuqato waa xilliga habeenkii oo ay camiran tahay, sidaas darteed ayaaney dad badan maleysan karin in ay dhacaan wax lid ku ah amniga. Dadweynaha Muqdisho waxaa ay inta badan arki jireen qaraxyo dhaca maaalin, taasi oo dareenkooda feejignaanta u leexisay in ay qaraxyada iyo weeraradu u maleeyaan in ay maalin oo kaliya dhici karaan inta badan. Marka la is barbardhigo qaraxyada dhacay habeen iyo maalin waa tiro aad u kala fog, waxaana aad u badan kuwa dhacay maalinta.

Weerarrada Shabaab ku qaadeen Hoteellada Muqdosho waxaa ay ku koobnaan jireen hoteelladaasi oo kaliya, haddase xaafadaha ayay galeen, iyadoo kii ugu dambeeyay uu ka dhacay Degmada Xamar weyne dhabarka dambe ee Dhismaha Haweenka, ayna saacaddu aheyd abaarihii 1-dii duhurnimo, iyadoo Qaraxaasi loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasi oo ay ka dhalatay dhibaato isugu jira Geeri iyo dhaawac.

Ciidanka ammaanka Dalka ayaa sanooyinkii ugu dambeeyay xoogga saaray xal u helidda ammaan darrida ka jirtay magaalada Muqdisho, waana lagu guuleystay in la xakameeyo waxyaabihii amni darrida ama falal la xariira Argagixisada ay ka fulin jireen, waxaana dhammaan Waddooyinka iyo dhismayaasha ganacvsiga iyo kuwa kaleba lagu xiray Kaamarooynka, taasi ayaa la leeyahay in ay kaalin weyn ka qeybqaateen in laga hortago ama laga ogaado qolyaha amni darrida ku howlan.

Dadaalka dowladda ee la dagaalanka Argagixisada ayaa si xowli ah u socda, iyagoo maalintii shalay aheyd la soo bandhigay Dad ku howlanaa arimo amni darro, waxayna Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ay gacanta ku dhigay Shabakad ka kooban Shan xubnood, kuwaasi oo ku howlanaa falal amni darro ah in ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

Sirdoonka Qaranka oo haayay xogta Shabakaddaan ayaa ku guulaystay soo qabashada mid ka mid ah shabakadda, iyadoo  Shabakadaan ay sidoo kale lagu qabtay Hub iyo Qaraxyo Khawaarijtu ay u qorsheeyeen in ay ku dhibaateeyaan Shacabka reer Muqdisho.

Haddaba si xal waara looga helo arrinta baabuurta qaraxyada lagu soo raro waa in ay hay’adaha amniga ay xal u helaan labada arrimood oo kala ah:-

  1. Qaraxii ugu dambayn ee ka dhacay degmada X/Weyne, waxaa loo adeegsaday gaari nuuca Feilder loo yaqaan, waxa uu ahaa gaari lagu dhacay gudaha Degmada Afgooye sanadkii hore, waxaana lahaa muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo la sheegay in la dilay.

Gaariga ayaa caadi ahaan ay xogta taargadu ay ahayd mid saxan, balse sida muuqata aan xogtiisa la baafin markii la dhacay ama aan laga taxadarin, islamarkaana aan la keydinta xogta taargada Gaarigan maadaama la dhacay.

  1. Waxaa jiri karta in baabuur badan oo la dhacay ay jiraan dhanka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, si ay ugu isticmaalaan Qaraxyada.

Hay’adaha amniga waa in ay helaan dhammaan xogta Gaadiidka la dhacay ee ka baxay gacanta muwaadiniinta, lana baafiyo, xogtoodana la dhigaa baraha ciidanka.

Dadka aad u taxliiliya ama ka faallooda arrimaha amniga ayaa sheegaya in Khawaarinta Al-Shabaab ay ku adag tahay xilligan in baabuur cusub ay soo iibsadaan ama la soo degaan sababo la xariira cuneqabteyna dhinacayada badan laga saaray, sidaasi darteedna ay bilaabeen in ay dhacaan baabuurta  ka dibna ay ku fuliyaan Qaraxyada, sida Gaarigii Land Cruser Barada ahaa ee ka mid ahaa Gawaaridii loo adeegsaday Qaraxii Hotel SYL, kaasi oo la ogaaday inuu lahaa Odey Shiikh ahaa oo degganaa Shalambood, kaasi oo looga dhacay Degmada Golweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Haddaba maxaa la gudboon Muwaadiniinta? waa Digniin, Marka waxaa la gudboon Dadka Muwaadiniinta ah ee ay ka dhacaan Kooxda Khawaarihjta ah ee Al-shabaab Baabuurtooda inay soo wargaliyaan laamaha ammaanka, si loo diiwaangaliyo, islamaraakana aysan hadhoow wax dhbaato ah kaga imaan doonin iyaga.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho.SONNA...- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka,…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Kalluumeysiga ee XFS oo kulan la yeeshay madaxa maareynta xuduudaha ee hay’adda Qaramada Midoobay ee UNODC

MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan mira dhal…

GudahaWararka
January 9, 2023

Baarlamaanka maanta nasiib ma u yeelan doona ansixinta Dastuurka?  (WARBIXIN)

Si aan wa badan uga ogaanno Dastuurka horta waa maxay Datuur? Dastuur (Af Ingiriis : constitution) waa qaanuunka ama heshiiska…

GudahaMaqaallada
February 21, 2024

Soomaaliya iyo Bakistan oo iska kaashanaya horumarinta Barnaamijka Teknoloojiyadda

Muqdisho.(SONNA):- Barnaamijka Comsec oo ah Barnaamij ay iska kaashanayaan safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Bakistan iyo wasaaraddaha kala ah…

GudahaWararka
July 23, 2023

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka oo la kulmay madaxda hay’adda USAID

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiin ka socday Hay’adda…

GudahaWararka
February 26, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023