Garissa(SONNA) Wararka ka imaanaya magaalada Garissa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in 3 qof oo looga shakisan yahay Al-shabaab ay ku geeriyoodeen 4 kalena ay ku dhaawacmeen,kadib qarax ay dhulka ku aasayeen oo iyaga ku qarxay.
Laamaha ammaanka Kenya oo war ka soo saaray dhacdadan ayaa xaqiijiyay geerida 3 qof xili ay qarax aasayeen,waxaana intaasi ay ku dareen in 4 qof oo dhaawacyo ay soo gaareen.
Police ayaa heley xog ku saabsan in 4 qof ee dhaawacantahay durba lagu qaaday gaari nuuca Toyota Hilux ah,islamarkaana ay qaadeen dad kale aan boolisku ahayn,ayan la baxsadeen.
Hayโadaha ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in maleeshiyada Alshabaab ay kordhiyeen mudooyinkii ugu dambeeyay miinooyinka ay dhulka ku aasayaan,gaar ahaan hareeraha waddooyinka,taasi oo ciidamadu ay feejignaan ka muujinayaan.
Kenya ayaa sheegtay in Ilaa 20 qof ay ku geeriyootay weeraro kala duwan oo Alshababa ay ka geysteen qeybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari, inta u dhexeysay bilihii Janury iyo February