Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Codbixiyaal gaaraya 923,220-Qof, oo iska Diiwaangeliyay Gobolka Banaadir
    October 19, 2025
    Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga oo tababar uga furmay Muqdisho
    October 19, 2025
    Danjire Ilyaas Cali Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kinshaasa
    October 19, 2025
    Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga XFS oo tababar Muhiim ah daah-furay
    October 19, 2025
    Muxuu ku saabsan yahay heshiiska Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS iyo EUCAP?
    October 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Al-shabaab oo duurka ka soo firxanaya (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Al-shabaab oo duurka ka soo firxanaya (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Al-shabaab oo duurka ka soo firxanaya (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 9, 2023
6 Min Read
Share

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta ayaa howlgal gaar ah ka fuliyay  deegannada Maraay Suuleey, Shiikhoow gaab, Hilowle gaab, Ciid Kuus iyo Xuseen Cageey oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Shabeellada dhexe, Ciidamada oo ka soo baxay Degmada Ceeldheer ayaa Khawaarijta ka sifeeyay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Ruun-nirgood iyo Ceeldheer, waxaana lagu burburiyay saldhigyadii Arxan laawayaasha ee dhulkaasi muddo ku dhuumaaleysanayay.

Howlgalka waxaa hoggaaminaayay Taliyaha Guutada 17-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle, Saahid Jaamac Faarax, sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Saraakiisha Ciidanka Deeganka sida Khaliif  Cumar Macallin Nuur, dhamme Qeeyla-wayne iyo Taliye dhamme, Fanax Ul-weyne. Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in howlgalka ay sii wadayaan inta dhulka carra-gaduudka ah laga sifeeynayo Khawaarijta.

Haddaba waxaa isa soo taraya in Khawaarijta ay Duurka isku heyn waayeen, kuwaasi oo bilaabay inay isku soo dhiibayaan Ciidamada Qaranka, waxaana ka mid ah kuwa isa soo dhiibay Maxamed Coloow Maxamed oo magaciisa afgarashadu yahay Mascuud, khawaarijtana ka tirsanaa mudo dhan 8-sano ayaa saakay isku soo dhiibey guutada Khaalid Binu-waliid ee fadhigeedu yahay deegaanka Daaru-Nimca ee xadka kala qeybiya gobolada Shabeellada dhexe iyo Galgaduud, waxaana xaqiijiyay isa soo dhiibiddaasi Taliyaha guutada Khaalid Binu-Waliid G/le Maxamed Dhagaweyne, wuxuuna  Warbaahinta Qaranka u sheegay isa soo dhiibida dhagarqabahan, isagoo intaasi ku daray in ay isi soo tarayaan xubnaha khawaarijta ee duurka ka soo firxanaya.

Taani waxay caddeyn u tahay in uu soo food saaray culeys aad iyo aad u weyn Maleeshiyaadka iyo Horgalayaasha Argagixisada ah ee Khawaarijta, kadib markii ay Cidamada Xoogga Dalka, kuwa dib u xoreynta Deegaannada {Macaawisleeyda), Wadamada Safka hore iyo Saaxiibada Caalamka ay si wadajir ah dagaal adag ku hayaan, waxaana Degmooyinka Ceel-buur iyo Galhareeri iyo Deegaannada ku xeeran ay Ciidamadaasi afar jiho kaga soo dhaqaaqeen, taasi oo ujeedadu tahay in si dhaqsi leh dib loogu xoreeyo Degmooyinkaasi oo muddo ka badan 15 sano ay Khawaarijtu Ukumo dhigteen, iyadoo ay jirtay in Horjooge muhiim u ahaa Kooxda Khawaarijta ah uu dhawaan iska dhiibay Deegaan ku dhow Guriceel, kaasi oo ka tirsanaa waxa ay ugu yeeraan Jabhadda, muddo badanna ku jiray dhibaateynta Shacabka.

Dhinaca kale Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen xarun weyn oo ay lahaayeen khawaarijta  talaadadii shalay aheyd, taasoo ku taalay  deegaan dhaca galbeed magaalada Buulo-Barde ee gobolka Hiiraan. Howlgaan oo ka dhacay deegaanka Mukayle ayay ciidanka Qaranka ku beegsadeen xarun weyn oo ay dhigtaan Khawaarijtu Gaadiidka dagaalka, Baabuurta ay ku qaataan maleeshiyaadka u dagaalamaya, kuwa ay ku adeegtaan iyo Baabuur ay u isticmaalaan Qaraxyada, taasi oo la fasari karo inay aheyd goobtaasi Xaruunta Bar kulan iyo u kala qeybinta Gaadiidka Khawaarijta.

Ciidanka ayaa howlkaas ku burburiyey xarumtii bartilmaameedka aheyd, iyagoo qaarijiyay 25 ka mid ahayd khaawarijta,waxaa ku jiray horjooge Magaciisa lagu sheegay Ibraahim dheer oo ka tirsanaa qeybta Gaadiidka ee Argagixisada Al-shabaab, waxaa kale oo jirta in inta uu socday howlgalka waxaa lagu burburiyay 16 Gaari oo isugu jiray baabuurta nuuca la saaro qoryaha waaweyn sida suuga, Cabdi bilayaal (Toyota Land Cruiser iyo Gawaarida Soomaali u taqaal Hoomeyga (Mini Bus) oo u ahaa kuwa ay ku qariyaan Qaraxyada iyo Maleeshiyaadkooda, Madaama aysan u fududeyn in Gaadiidka dagaalka ay saaraan.

Sida ay xog nagu siiyeen hey’adaha Amaanka xarunta ay ciidanku howlgalka ka fuliyeen ayaa aheyd halka ay isugu yimaadaan Gaadiidka gaarka ah iyo midka dagaalka oo  ay adeegsadaan khawaarijta ku dhuumaalaysanaysa gobolada Hiiraan, Galgaduud, iyo Shabeellada dhexe, waxaa kaloo ay Ciidanka howlgalka fuliyay ay cagta mariyeen goob isbaaro u aheyd maleeshiyaadka khawaarijta oo bulshada ay ku dhibi jireen.

Jabka xooggan ee soo gaaray khawaarijta ayaa sababay in dadka iyo Gaadiidka ay ka celiyaan nawaaxiga uu howlgalku ka dhacay si ay u qariyaan baaxada dhibka gaaray, waana u caado Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab. Sabtigii aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii sidaan oo kale ciidanka Qaranka ay  howlgal weyn ka fuliyeen xarun ay ku shir-sanaayeen horjoogayaal ka tirsan khawaarijta sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo gaarayey 120 isugu jiray Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal khawaarijta uga dhaawacmay howlgalada ka socda gobolada ay ku dhuumaalaysanayeen, sida Hiiraan, Shabeellada dhexe, Galgaduud iyo Mudug.

Howlgalkaan muxuu uga duwan yahay kuwii hore?, “Howlgalkaan waa ka mug iyo baaxad weyn yahay howlgaladdi hore laba arrimood awgood, waa tan hore waxaa lagu soo Afjarayaan  dhameystirkii Wejiga 1-aad ee Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada ee ku aadan Degmooyinka Ceel-buur iyo Galhareeri iyo tan labaad oo ah inuu hoggaaminayo Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliayaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida”, sidaasina waxaa yiri, Prof. Cusmaan Cali yuusuf oo ka faalooda arrimaha Ciidamada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Codbixiyaal gaaraya 923,220-Qof, oo iska Diiwaangeliyay Gobolka Banaadir

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shaaciyay in gobolka Banaadir iska diiwaan…

October 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Somaliland oo si rasmi ah Xariga uga Jaray Mashruuca Balaarinta Dekedda Berbera “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si rasmi ah Xariga uga Jaray Mashruuca Balaarinta Dekedda Berbera…

GudahaWararka
June 24, 2021

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga oo Bangkok kaga qeybgalaya shir muhiim ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee DFS Mudane Cabdi Diirshe ayaa warbixin ku saabsan la-dagaallanka Kalluumeysiga…

Gudaha
May 17, 2024

Madaxda wasaaradda warfaafinta oo ka tacsiyeeysay geerida faanadda Faadumo Duur

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daauud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar…

GudahaWararka
November 19, 2024

Labada Gole e ee Baarlamaanka JFS oo kulan wadajir ah uga dooday wax ka bedalka dastuurka

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Sooomaaliya  Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa shir guddoomiyay kulanka 13-aad…

GudahaWararka
February 17, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023