Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Akhriso: Taariikh nololeedka ra’iisul wasaarihii hore ee dalka marxuum Nuur Cade
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Akhriso: Taariikh nololeedka ra’iisul wasaarihii hore ee dalka marxuum Nuur Cade
Wararka

Akhriso: Taariikh nololeedka ra’iisul wasaarihii hore ee dalka marxuum Nuur Cade

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 2, 2020
4 Min Read
Share

Brussels(SONNA) Mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Brussels ee dalka Belgiumka ayaa sharaxaad ka bixiyay taariikhda alla ha u naxriistee raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade oo dhawaan ku geeriyooday Dalka Ingiriiska.

Ali Mohamed ABUKAR (Ali Wolf)  ahna La-taliyaha Koowaad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Brussels (Belgium)  ayaa si faah faahsan uga hadlay taariikh nololeedka raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cade).

Halkan hoos ka akhriso taariikh nololeedkiisa  qoraal ka soo baxay safaaradda Soomaaliya ee Dalka Belgiumka. 

                                            بسم الله الرحمن الرحيم

                                                 TACSI

Anigoo  ah Ali Mohamed ABUKAR (Ali Wolf)  ahna La-taliyaha Koowaad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Brussels (Belgium)  oo ku hadlaya magaceyga iyo magaca Safaaraddaba waxaan halkaan ugu tacsiyadeynayaa maanta oo Arbaca ah, Taariikhduna tahay 01/04/2020 dhammaan Ummadda Somaaliyeed meelwalboo ay ku sugan yihiin, geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Ilaahey ha u naxariistee Danjire Nuur Xasan Xusseen “Nuur Cadde” oo uu maanta Allah ku oofsaday isbitaal ku yaalla magaalada London (UK) isagoo u geeriyooday cudurka adduunyada ku faafay ee loo yaqaano Coronavirus oo uu muddo todobaad ka badan ugu jiray isbitaalkaas.

Marxuum Danjire Nuur Cadde, wuxuu ku dhashay magaalada Moqdisho, dalka Soomaaliya, sannadkii 1938.

Wuxuu ahaa Mas’uul jagoojin sare oo kala duwan u soo qabtay dalkiisa iyo dadkiisa.

Sidaas darted, waxaan u daayay dadka kale ee iiga sii xogoggaalsan taariikh nololeedkiisa wixii ka horreeyay intuusan noqon Safiirkii ugu horreeyay ee dib loogu soo magacaabo Safaarada hoos ku qoran.

Run ahaantii, Marxuumku wuxuu ku guuleystay inuu dib u furo Xafiisyadii Safaaradaha Soomaaliya ee Roma iyo Brussels oo muddu 20 sano ku dhaw aad ah lbaabada leyskugu dhiftay. Waxaana soo magacaabay Dowladdii Ku-meelgaarka ahayd ee Madaxweyne     Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Marxuumku wuxuu muddo 4 sano ah (Sebtember 2009  ilaa iyo  Sebtember 2013) isku haayay Safaaradda Talyaaniga iyo Safaaradda Beljamka isagoo isla markaasna ahaa Madaxa Ergeyada Dibloomaasiyiinta Soomaaliyeed ee Midowga Yurub.

Allaha u naxariistee, wuxuu ahaa shakhsi , islaweynin aan ku jirin, aad u karti badan, hal abuur leh, dadaal badan, aragti dheer adkeysigiisuna aad u badan yahay.

Run ahaantii, waxaan kaloo lagamamaarmaan inaan xuso waxyaabihii aan ka dhaxlay oo aan la soo koobi Karin sida dulqaadka faraha badan,  waayaargnimadiisa dhaxalgalka ah, foojignaantiisa joogtada ah, neceebka qabyaaladda iyo hoggaaminta tuusan iwm

Marxuumku wuxuu ka baxay Kuliyadda Sharciga oo ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliya iyo Academiyaal sarsare oo dalka dibaddiisa ah, wuxuuna si fiican ugu hadli jiray afafka Soomaaliga, Talyaaniga iyo Ingiriiska.

انا لله وانا اليه راجعون.

Waxaan marxuumka Allah uga baryayaa inuu qabrigiisa waasic uga dhigo, u iftiimiyo una udgooneeyo. Sidoo kale waxaan ugu doceynayaa inuu Allah Su’aasha iyo siraadkana u fududeeyo, dambigiisa cafiyo Jannadiisa Firdowsana ka waraabiyo.

Waxaan kaloo u rajeynayaa Ummadda Soomaaliyeed meelwalbo ay joogaan  inuu Allah samir iyo iiman suubban ka siiyo, gaar ahaan Xaaskiisa, Caruurtiisa,  Qaraabdiisa iyo Assaxaabtiisa.

Ugu dambeyntii, waxaan ka codsanayaa dhammaan cid allaale ciddii  ay wadashaqeyn dhex martay Marxuum Nuur Xassan Xussein inuu iska cafiyo una doceeyo, Ajir iyo Xasanaad aan la soo koobi Karin Allaha  ka siiyee.

Ali Mohamed ABUKAR

La-taliyaha Koowaad ahna Sii-hayaha

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda FS oo dalbatay shir deg deg ah oo ay yeeshaan Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Carabta.

Safiirka J.F.S ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa shaaca ka qaaday…

Gudaha
January 5, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya

Addis Ababa(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal maalin ku tagay magaalada Addis…

GudahaWararka
December 19, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyey furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka JFS

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka…

GudahaWararka
July 6, 2024

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka 11-aad ee Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa 11-aad ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee…

GudahaWararka
October 3, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023