Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Akhriso Khudbadda Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee uu ka jeediyay Barnaamijka kobcinta Wax soo saarka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Akhriso Khudbadda Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee uu ka jeediyay Barnaamijka kobcinta Wax soo saarka
Wararka

Akhriso Khudbadda Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee uu ka jeediyay Barnaamijka kobcinta Wax soo saarka

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 20, 2021
5 Min Read
Share

Khudabadda Wasiirka Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  ee daahfurka mashruuca ILED qeybtiisa silsiladda wax-soosaarka iyo joogteynta kobaca dhaqaalaha ee xoolaha iyo kaluumeysiga.

 Mudane. Jamal Mohamed Hassan, Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga

 Mudane:  Abdillahi Bidhan Warsame, Wasiirka Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda

Mudane: Omar Mohamud Mohamed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho

 Mudane:  Nicolas Berlanga Martinez, Safiirka Midowga Yurub (EU) ee Soomaaliya

 Mudane: Etienne Peterschmitt, Wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO).

 Wasiirada Kaluumeysiga iyo Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedyada Soomaaliya

 Shirkada Gaarka ah, ka soo qeybgalayaasha kala duwan Mudanayaan iyo Marwooyin.

 Mudanayaal iyo Marwooyin,

 Waxaa farxad weyn ii ah in aan idinkala soo qeyb galo kulankani muhiimka ah ee lagu daahfuraayo Barnaamijka Silsiladda Waxsoosaarka  Xoolaha iyo kaluumeysiga iyo Joogteynta Kobaca Dhaqaalaha Soomaaliya ee Midowga Yurub (EU) ay ugu deeqday Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, maanta waxaa dhamaanteyn Fursad Taariikhi ah noo ah in aan furno bilowga Mashruuca silsiladda Waxsoosaarka iyo Joogteynta Kobaca Dhaqaalaha ee Xoolaha iyo Kaluumeysiga.

Waxaa kaloo farxad inoo wada ah maanta in aad goob joog ka tihiin dhammaantiina , Wasaaradaha Federaalka, Wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ee Xanaanada Xoolaha iyo Kalumeysiaga Safiirka Midowga Yurub (EU) ee Soomaaliya, Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, Munaasabadan balaaran ee Daahfurka Mashruucan.

Waxaan rabaa in fursaddaan ugu faa’ideysto inaan u mahad celiyo Midowga Yurub oo tagaaro buuxda siiyey Barnaamijkan weyn ee wax ku oolka u ah dhammaan bulshada iyo Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda taagta daran ee Xoolo Dhaqatada iyo Kalumaysatada Soomaaliyeed.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Qaar badan oo idinka ka mid ah waxaan isla bilaawnay safarkii dheeraa ee aan ku diyaarineyna barnaamijkaan sannadkii tagay ee 2020kii, kaa soo uga qeyb qaadateen si muuqata islamarkaana aan soo bandhigteen dhammaantiina muhiimadaha iyo Baahiyaha hortabinta idiin leh Deegaanadiina. Sidaad la socotaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa iyo Midowga waxey qabteen kulan la tashi ah oo  lagu qabtay magaalada Baydhabo bishii Febraayo 2020 kaa soo  ay ka soo qeyb galeen dhammaan daneeyayaasha horumarinta xoolaha iyo waxsoosaarkooda oo ay ku jiraan hay’adda FAO, Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Goboleedyada Soomaaliya, Gobolka Banaadir iyo Shirkadaha gaarka ah waxaana meel laysla dhigay hawlaha hortabinta iyo muhiimadaha u leh qeybta Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa. Shirkani wadatashiga waxaa diiradda lagu saaray muhiimadaha ay asteynayeen Istaraatiijiyadda Horumarinta Xoolaha iyo Waxsoosaarkooda Somaliya Iyo Qorshaha Qaranka ee 9aad, iyo baahiyaha bulshooyinka.

Waxaa sidoo kale looga hadlay sidii adeegyada muhiimka ah hoos loogu daadijin lahaa illaa iyo heer bulsho Deegaaneed islamarkaana loo hubiyo in cid walba ay ka faa’ideysatay mashruucani.

Mashruucani wuxuu qeyb ka qaadanayaa xasiloonida dalka, dhiira gelinta dib u heshiisinta gudaha, dhisidda nabadda, abuuridda fursad dhaqaale oo loo wada dhan yahay iyo badbaadada dadka taagta daran. Taa soo loo maraayo qaab deegaaneed  ayadoo si wada jir ah looga shaqeynaayo arrimaha siyaasadda, amniga dhaqaalaha si lmaalgeqebta Qeybta Waxsoosaasrka.

Muadanayaal & Marwooyin

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa waxaa ka go’an in kor u qaaddo Nolosha malaayiin xoola dhaqato, xoolo raacato, kuwa ka shaqeeya waxsoosaarka xoolaha iyo Untooda  iyo buulshooyinka ku nool Miyiga ee  ku tiirsan xoolaha iyo waxsoosaarkooda. Waxaa intaasi dheer in xoolaha iyo waxoosaarkooda ay qeyb weyn ka qaataan dakhliga dowladda, shaqo abuurka ayadoo lagu qiyaaso xoolaha waxsoosaarkooda shaqooyinka ay abuuraan ay gaareyso 55% marka laga hadlayo dhammaan shaqooyinka dalka ka jira, waxaa kaloo qeyb ka ah shaqooyin aan toos aheyn kuwaasoo ay sameeyaan silsiladda waxsoosaarka Xoolaha sidaa darted ayeey qeybtani xoolaha muhiim inoogu tahay.

Sidaa daraadeed daahfurka maanta ee qeybtaan xoolaha waxey siyaadin doonta kobaca dhaqaale, shaqo abuur xasilooni iyo adeeg bulsho oo gaara illaa deegaanada miyiga ah.

Ugu dambeyntii waxaan hadalkeyga ku soo gabagebynayaa in aan idiinku mahad celiyo dhammaantiina ka go’anaashihiina in kor loo qaado sectorka waxsoosaasrka Xoolaha iyo Kaluumeysiga mashruucanina uu u noqdo udub dhexeed.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa midowga Yurub (EU) oo taageero buuxda ku buxiyey mashruucani, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Hay’adda FAO ee Soomaaliya.

Waad Mahadsantihiin

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Cadaaladda XFS”waxaan xoogga saaraynaa in shacabka uu helo adeeg caddaaladeed”(Sawirro)

Baydhabo(SONNA) Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac) oo la hadlay wakaaladda SONNA ayaa ka warbixiyay qorshayaasha ugu…

GudahaWararka
December 19, 2020

Tira-koobka Shaqaalaha Rayidka oo ka socda xarrumaha hay’addaha Dowladda

Muqdisho(SONNA):-Waxaa si habsami leh xarruumaha Dowladda uga socda Tira-koobka Shaqaalaha Rayidka, si loo dardar galiyo isla xisaabtanka shaqada iyo shaqaalaha.Rayidka…

GudahaWararka
February 12, 2023

Maxkamadda sare Ciidamada QS oo go’aan ka soo saartay labo eedeysane oo loo heysto dil

Muqdisho-(SONNA)-Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “ Madaxeey”…

GudahaWararka
September 8, 2024

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Safiirka UK iyo Ku-xiggeenka Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dawlad Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta  magaalada Muqdishu kula la qaatay Danjiraha Dowladda UK iyo Danjire…

GudahaWararka
February 3, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023