Muqdisho (SONNA): Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa kulan sagootin ah ugu sameeyay xarunta dhexe Agaasimihii Guud hore Mudane Axmed Siciid Maxamed.
Kulankan oo isugu jiray sagootin iyo isbarasho ayaa waxa kasoo qayb galay Agaasime Kuxigeenada Guud, Lataliyeyaasha iyo Agaasime Waaxeedyadda Hay’adda. Agaasimaha Guud ayaa ugu horrayn uga mahadceliyay Agaasimihii hore waxqabadkiisa mudadii uu joogay xafiiska, Sidoo kale Agaasimaha ayaa ka codsaday wadashaqaynta madaxda kala duwan ee hay’adda.
Agaasimaha guud ee hore mudane Axmed Siciid Maxamed ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Mas’uuliyiinta kala duwan ee Hay’adda wadashaqaynta joogtada ahayd ee kala dhaxeysay mudada uu joogay xafiiska, waxa uuna sidoo kale ku dhiirageliyay in ay si daacadnimo leh ula shaqeeyaan agaasimaha guud.