Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah
    October 19, 2025
    Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam
    October 19, 2025
    Codbixiyaal gaaraya 923,220-Qof, oo iska Diiwaangeliyay Gobolka Banaadir
    October 19, 2025
    Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga oo tababar uga furmay Muqdisho
    October 19, 2025
    Danjire Ilyaas Cali Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kinshaasa
    October 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Agaasime Dhuxulow oo kulan la qaatay guddiga diyaarinta qandaraaska dukumentiga Baasaboorka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Agaasime Dhuxulow oo kulan la qaatay guddiga diyaarinta qandaraaska dukumentiga Baasaboorka
GudahaWararka

Agaasime Dhuxulow oo kulan la qaatay guddiga diyaarinta qandaraaska dukumentiga Baasaboorka

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: May 19, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddiga Isku-dhafka ee u xil-saaran diyaarinta qandaraaska hannaanka lagu tayaynayo dukumentiga Baasaboorka Soomaaliyeed.

Guddigan Isku-dhafka ah oo ay ka mid yihiin Hay’adda Qaramada Midoobey ee UNOPS, Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), ayaa waxa ay ka shaqeynayaan hagidda iyo talo-bixinta ku saabsan hannaanka iibka iyo qandaraasyada si dib-u-habeyn dhameystiran loogu sameeyo baasaboorka Soomaaliga. Ujeeddadu waa in la hirgaliyo baasaboor leh qaab-dhismeed, amni iyo muuqaal casri ah (3rd Generation) oo ka sarreeya kan hadda la isticmaalo, isla markaana u qalma muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud HSJ Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in baahi wayn loo qabo in la helo dukumenti tayo sare lehna astaamaha amniga ee ugu sarreeya, si uu ula jaanqaado baasaboorada caalamiga ah. Waxa uu si gaar ah u adkeeyay in hannaanka qandaraaska uu noqon doono mid si buuxda u daah-furan, oo ay ka qayb qaadan karaan dhammaan shirkadaha caalamiga ah ee leh waayo-aragnimada iyo awoodda farsamo ee lagu horumarin karo baasaboorka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay UNOPS kaalintooda farsamo ee joogtada ah, wuxuuna bogaadiyay iskaashiga dhow ee u dhexeeya HSJ, Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adaha kale ee ku lugta leh mashruuca, si gaar ahna waxa uu tilmaamay in mashruucan uu yahay mid taariikhi ah oo qayb ka qaadan doona tayaynta baasaboorka Soomaaliyeed iyo sumcaddiisa caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Agaasimaha ayaa ku booriyay xubnaha guddiga in la dadajiyo dhammeystirka dukumentiyada si daahfurka rasmiga ah ee qandaraaska loogu qabto muddo kooban, isagoo balanqaaday in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay si buuxda uga go’antahay hirgelinta mashruucan Qaran.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa…

October 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo qaabbilay saraakiil ka tirsan ciidamada Talyaaniga

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa qaabbilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Carabinieri ee dowladda…

GudahaWararka
January 29, 2025

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Zambia oo kulamo la yeelatay Diblomaasiyiin dhiggeeda ah+Sawirro

Lusaka-(SONNA)-Safiirka Soomaaliya ee Dalka Zambia, Xaawo Xasan Maxamed ayaa kulan wada xaajood ah la yeelatey Madaxa Diplomaasiyiinta Ururka Jaamacada Carabta …

Wararka
December 20, 2019

Madaxweynaha: kama cabsanayno kuwa isku dayaya in ay afka ku dumiyaan dowladnimada

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan ka cabsan doonin kuwa isku dayaya in ay…

GudahaWararka
July 2, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo K/Afrika kula kulmay madax ka qeybgalay kulankii BRICS

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac oo Dalka K/Afrika kaga qeybgalay shirka u qabsoomay dalalka ku bohoobay ururka…

Gudaha
August 25, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023