Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Agaasime Dhuxulow oo kulan la qaatay guddiga diyaarinta qandaraaska dukumentiga Baasaboorka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Agaasime Dhuxulow oo kulan la qaatay guddiga diyaarinta qandaraaska dukumentiga Baasaboorka
GudahaWararka

Agaasime Dhuxulow oo kulan la qaatay guddiga diyaarinta qandaraaska dukumentiga Baasaboorka

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: May 19, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddiga Isku-dhafka ee u xil-saaran diyaarinta qandaraaska hannaanka lagu tayaynayo dukumentiga Baasaboorka Soomaaliyeed.

Guddigan Isku-dhafka ah oo ay ka mid yihiin Hay’adda Qaramada Midoobey ee UNOPS, Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), ayaa waxa ay ka shaqeynayaan hagidda iyo talo-bixinta ku saabsan hannaanka iibka iyo qandaraasyada si dib-u-habeyn dhameystiran loogu sameeyo baasaboorka Soomaaliga. Ujeeddadu waa in la hirgaliyo baasaboor leh qaab-dhismeed, amni iyo muuqaal casri ah (3rd Generation) oo ka sarreeya kan hadda la isticmaalo, isla markaana u qalma muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud HSJ Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in baahi wayn loo qabo in la helo dukumenti tayo sare lehna astaamaha amniga ee ugu sarreeya, si uu ula jaanqaado baasaboorada caalamiga ah. Waxa uu si gaar ah u adkeeyay in hannaanka qandaraaska uu noqon doono mid si buuxda u daah-furan, oo ay ka qayb qaadan karaan dhammaan shirkadaha caalamiga ah ee leh waayo-aragnimada iyo awoodda farsamo ee lagu horumarin karo baasaboorka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay UNOPS kaalintooda farsamo ee joogtada ah, wuxuuna bogaadiyay iskaashiga dhow ee u dhexeeya HSJ, Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adaha kale ee ku lugta leh mashruuca, si gaar ahna waxa uu tilmaamay in mashruucan uu yahay mid taariikhi ah oo qayb ka qaadan doona tayaynta baasaboorka Soomaaliyeed iyo sumcaddiisa caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Agaasimaha ayaa ku booriyay xubnaha guddiga in la dadajiyo dhammeystirka dukumentiyada si daahfurka rasmiga ah ee qandaraaska loogu qabto muddo kooban, isagoo balanqaaday in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay si buuxda uga go’antahay hirgelinta mashruucan Qaran.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dagaal u dhaxeeya kooxda Khawaarijta oo ka dhacay deegaan hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Muqdisho (SONNA) Dagaal u dhexeeya kooxda Khawaarijta ayaa ka dhacay deegaan hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Maleeshiyaad ka…

GudahaWararka
December 31, 2022

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo booqasho shaqo ku tegay Diinsoor

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa maanta booqasho shaqo ku gaaray Degmada…

GudahaWararka
March 7, 2026

Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho Diyaarad ku keentay Ardayda Dugsiyada sare ee Baraawe

Muqdisho-(SONNA)-Qaar ka mid ah Ardayda Fasalka Afaraad Dugsiyada sare ee Magaalada Baraawe ayaa Maanta soo gaaray Muqdisho, markii ay Dowladda…

WararkaWargayska
July 19, 2020

Wasiirka Ganacsiga DFS oo ka qayb galaya bandhig Carweedka Ganacsiga oo ka furmaya dalka suudaan

Wasiirka ganacsiga Soomaaliyaa iyo wafdiga u hoogminayay ayaa gaaray dalka Suudaan oo ay uga qab galayaan bandhig carweed lagu qabanaayo…

Wararka
January 20, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023