Muqdisho(SONNA) Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Sheekh yuusuf (Al-Cadaala) oo ay wehliyaan qaar kamid ah agaasimeyaasha waaxyaha ee wasaaradda ayaa kulan la qaatay xubno ka socday Jaamacadda Umadda,kuwaasi oo maanta soo booqday xarunta wasaaradda,waxaa sidoo kale kormeerka qeyb ka ahaa wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo booqasho ku yimid maanta wasaaradda.
Waxyaabaha ay ka wada hadleen ayaa waxaa kamid ahaa xoojinta iskaashiga iyo wadashaqeynta Jaamacadda Umadda iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada horumarinta Warbaahinta iyo sidii sare loogu qaadi lahaa tayada Wariyeyaasha ka howlgala warbaahinta Qaranka iyo in fursado tababara ah la siiyo dhalinyaro culuumta saxaafadda ka soo baratay jaamacadda Umadda,iyadoo ay ka qeybqaadanayaan quburo ku xeel dheer arrimaha warbaahinta,sida Yuusuf Garaad Cumar wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya,Prof C/qaadir Maxamed Dhicisow,hormuudka kuliyadda Saxaafadda ee Jaamacadad Umadda,iyo Khaalid Mocow C/qaadir guddoomiyaha guddiga Saxaafadda ee Golaha Shacab ,kuwaasi oo barayaal ka ah jaamacadda Umadda.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Sheekh yuusuf (Al-Cadaala) ayaa balan qaaday in ka wasaarada ahaan ay kala shaqeyn doonaan Jaamacadda Ummadda arrimihii la isla meel dhigay ee dhinaca iskaashiga ah.
Kulanka kadib waxaa ay si wada jir ah u kormeereen xarumaha warbaahinta sida Wargeyska Dalka iyo Wakaaladda SONNA,halkaasi oo warbixin kookabn kaga dhageysteen Cali C/qaadir Cali agaasimaha Wakaaladda SONNA iyo Wargeyska Dalka,sidoo kale waxaa ay kormeereen xarunta TV Qaranka oo uga warbixiyay Faarax Dharaar agaasimaha TV,halka RadioMuqdishona ay warbixin kaga dhageysteen agaasimaha RadioMuqdisho Yaxye Cali Faarax.
Masโuuliyiintani ayaa isla meel dhigay in la is dhaafsado aragtiyo iyo qibrado la xiriira iskaashiga horumarineed ee warbaahinta iyo in la soo saaro dhalinyaro aqoontoodi ay sareyso,waxaana xubnahii ka socday jaamacadda umaddaย ay balan qaadeen in kaalin ay ka qaadan doonaan sidii sare loogu qaadi lahaa garaadka iyo heerka aqooneed ee wariyeyaasha.