Muqdisho-(SONNA)-Agaasimaha waakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONN Mudane Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Orango) ayaa maanta oo talaado ah kulan la qaatay Agaasimaha guud ee Wakaaladaha wararka ee ururka iskaashiga Islaamka Maxamed Cabdrabuh. Al Yami.
Kulanka oo ka qabsoomay aaladda fogaan aragga ayaa waxaa lagu soo bandhigay sharaxaad ku saabsan hiigsiga ururka ee sanadaha soo socda, kaas oo ku qotoma doorka ururka oo ah madal warbaahineed oo weyn oo ay yeeshaan dalalka xubnaha ka ah ururka, iyo horumarinta mihnadda warbaahineed ee ku salaysan diinta Islaamka iyo warbaahinta oo dhiiragalineysa hufnaanta, kalsoonida iyo dulqaadka.
Kulanka intii u socday waxaa dib u eegis lagu sameeyey doorka UNA ee ku aaddan siinta tallooyinka istaraatiijiga ah ee warbaahinta wadamada xubnaha ka ah iyadoo loo marayo wakiilo ka socda wakaaladaha wararka qaranka. Sido kale waxaa la soo bandhigay tiro koorsooyin ah oo la qabanayo waqtiyadda soo aadan.
Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa bogaadiyay doorka UNA ee xoojinta xiriirka warbaahinta ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo xoojinta xiriirka xirfadeed ee ka dhexeeya shaqaalaha warbaahinta, isagoo dhinaca kale bogaadiyay hiigsiga iyo barnaamijka shaqo ee Ururka. Agaasimaha carrabka ku adkeeyay in dalkiisa uu garab taagan yahay midowga, iyo sida ay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed u daneyneyso ka mira dhalinta barnaamijyada โUNAโ iyo xoojinta doorka ay ku leedahay horumarinta wakaaladaha xubnaha ka ah iyo is-weydaarsiga wararka.