Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Agaasimaha hay’adda socdaalka oo saxiixay hab-raacyo tayada adeega sare loogu qaadayo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Agaasimaha hay’adda socdaalka oo saxiixay hab-raacyo tayada adeega sare loogu qaadayo
GudahaWararka

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo saxiixay hab-raacyo tayada adeega sare loogu qaadayo

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: August 4, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay habraacyo muhiim ah oo lagu hagaajinayo adeegyada ay hay’addu siiso bulshada Soomaaliyeed.

Ujeedada habraacyadan ayaa ah in la dardargeliyo hannaanka adeeg-bixinta, lana xaqiijiyo hufnaan, isla xisaabtan, iyo adeegyo tayo leh oo la jaanqaadaya baahida shacabka.

Munaasabadda saxiixa habraacyadan oo ka dhacday xarunta dhexe ee HSJ waxaa ka qeyb galay Agaasime Ku-xigeennada Guud, Lataliyeyaal, Agaasime Waaxeedyada, iyo saraakiil sare oo ka kala socday xafiisyada hay’adda. Kulankan wuxuu muujiyey midnimo iyo ka-go’naansho dhab ah oo ku aaddan hirgelinta isbeddelada la xiriira adeegga.

Habraacyada la saxiixay ayaa daboolaya dhammaan adeegyada ay Hay’addu bixiso, waxaana ka mid ah:

• Habka dalbashada iyo bixinta baasaboorka Soomaaliyeed

• Maamulka socdaalka iyo xuduudaha, si loo hubiyo dadka dalka soo galaya ama ka baxaya

• Maamulka shaqada iyo shaqaalaha

• Maaraynta maamulka guud ee Hay’adda

Yaraynta Waqtiga Dalabka Baasaboorka

Mid ka mid ah tallaabooyinka ugu waaweyn ee ka dhashay habraacyadan cusub ayaa ah yareynta waqtiga la sugayo baasaboorka caadiga ah. Tani waxay si toos ah u anfici doontaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan adeegyo degdeg ah oo hufan.

1. Dalbashada baasaboorka cusub – Waqtiga sugitaanka waxa laga dhigay 7 maalmood, halkii uu markii hore ka ahaa 15 maalmood.

2. Cusboonaysiinta baasaboorka dhacay ama lumay – Waqtiga sugitaanka waxa laga dhigay 4 maalmood, halkii uu markii hore ka ahaa 10 maalmood.

Agaasimaha Guud, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in habraacyadan ay saldhig u yihiin isbeddelka ay hay’addu hiigsanayso. Waxa uu tilmaamay in ay si cad u dejinayaan hannaan shaqo oo mideysan, hufan, kuna dhisan isla xisaabtan. Waxa uu intaa ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay mudan yihiin adeeg sharaf leh, degdeg ah, oo aan carqalad lahayn.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Kenya oo magacaabay Golihiisa Wasiirrada

Nairobi, (SONNA): Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa maanta soo dhisay xukuumad cusub, isagoo dib u soo magacaabay dhowr xubnood oo…

CaalamkaWararka
July 19, 2024

Kenya oo qalliin Caafimaad dhegaha ah loogu sameeyey 15 Carruur Soomaaliyeed ah

Nairobi(SONNA):-Waxa Magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay qaliin kooban oo loo sameeysay caruur Soomaaliyeed kuwaas oo dhagaha loogu xiray qalab awood…

GudahaWararka
April 19, 2025

Wasaradda Gaadidka XFS oo ku howlan horumarinta garoomada diyaaradaha dalka

Muqdisho.(SONNA)...Wasarada Gaadidka iyo Duulista Hawada Soomaliya  aya gobolada dalka ka bilaabay qorshe lagu hormarinaayo garoomada diyaradaha ee ku yaalla  gobolada…

Wararka
September 1, 2020

Ra’iisul Wasaare Rooble oo cambaareeyay falkii argagixisanimo ee ka dhacay Muqdisho

Muqdisho...(SONNA)...Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u cambaareeyay falkii argagixisanimo ee galabta ka dhacay…

GudahaWararka
July 3, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023