Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo Mar Kale Xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta Xuquuqda Aadanaha
    March 11, 2026
    Wasiirka Qoyska iyo Wafdi ay hoggaamineyso oo New York uga qeybgalay kulan muhiim ah
    March 11, 2026
    Degmada Hodan oo u gudubtay wareegga 3-aad ee  Tartan cilmiyeedka Ramadaan
    March 11, 2026
    Gudigga Doorashooyinka Qaranka oo Matabaan ka Bilaabay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha
    March 10, 2026
    Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka
    March 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Agaasimaha hay’adda socdaalka oo kulan la qaatay wafdi ka socda Ciraaq
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Agaasimaha hay’adda socdaalka oo kulan la qaatay wafdi ka socda Ciraaq
GudahaWararka

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo kulan la qaatay wafdi ka socda Ciraaq

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: August 11, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda mudane Mustafa Duhulow ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay wafdi ka socday wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Ciraaq oo uu hoggaaminayo La-taliyaha Wasiirka Arrimaha gudaha, Sarreeye Guud Ziyad Daha Cali iyo Agaasimaha waaxda Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq, Sarreeye Gaas Calaa Canshuur Manaati. Wafdigan ayaa booqasho ku yimid xarunta dhexe ee HSJ.

Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha JFS mudane Yuusuf Cali Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Ciraaq, Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan HSJ.

Ugu horrayn, Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa wafdiga siiyay warbixin guud oo ku saabsan dedaallada lagu xaqiijinayo horumarinta baasaboorka Soomaaliyeed iyo isbeddellada lagu sameeyay adkaynta lagu codsado baasaboorka, hirgelinta nidaamka PISCES, iyo saxiixyada heshiisyada wada-shaqaynta ee Interpol oo qayb ka qaadanaya adkaynta amniga socdaalka iyo xuduudaha.

Sidoo kale, wuxuu la wadaagay wafdiga wada-hadallada caalamiga ah ee dhawaan lala yeeshay dalalka Norway, Switzerland, Germany, iyo Ingiriiska, kuwaas oo dhawaan la filayo inay qayb ka noqdaan horumarinta kaabayaasha Hay’adda.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Dowladda Ciraaq iyo Dowladda Soomaaliya horay ula lahaayeen xiriir qoto dheer oo taariikhi ah, isla markaana hay’adaha labada dal ee socdaalka iyo jinsiyadda ay iska kaashan karaan khibrad wadaag, isdhaafsiga xogta, iyo horumarinta kaabayaasha teknoolojiyada casriga ah. Waxa uu sidoo kale Dowladda Ciraaq ka codsaday inay ka taageeraan HSJ tababarka saraakiisha iyo dhismaha machadka tababarka.

Dhanka kale, wafdiga Dowladda Ciraaq ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin soo dhaweynta iyo martiqaadka loo sameeyay, isla markaana casuumaad rasmi ah u fidiyeen Agaasimaha Guud ee HSJ si uu booqasho rasmi ah ugu tago dalka Ciraaq. Waxa ay sidoo kale ballanqaadeen inay HSJ kala shaqeyn doonaan tababarro kala duwan oo la xiriira baasaboorrada, dalku-galka, iyo socdaalka, iyagoo sheegay inay ka caawin doonaan tababarka saraakiisha HSJ.

Wafdiga ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay xafiiska baarista iyo hubinta dukumentiyada, xafiiska madbacadda, iyo xafiiska dalku-galka ee elektarooniga ah (E-visa).

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo Mar Kale Xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta Xuquuqda Aadanaha

Geneva.SONNA...Khadra Mohamed Dualle, Safiirka ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Magaalada Geneva ee…

March 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

 Ciidamada Israa’iil oo 4-qof ku dilay Daanta Galbeed

Ugu yaraan afar Falastiiniyiin ah ayay ciidanka Israa’iil ay ku dileen aagga Jenin iyo Qudus ee Daanta Galbeed ee la…

Caalamka
January 7, 2023

Guddoomiye Cumar Filish oo sheegay in ay wax qabanayaan baahiyaha gaarka ah ee Bulshada Boondheere+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane; Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) oo ay wehliyaan Gudoomiye ku-xigeneda Maamulka Gobolla…

WararkaWargayska
August 9, 2020

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BFS OO MAANTA KA QEYB GALAY FADHIGA BAARLAMAANKA JABUUTI

Djibouti-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta booqday Xarunta Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda…

GudahaWararka
May 15, 2024

Soomaaliya iyo Serbia oo ka hadlay qodobbo mujiim u ah labada dhinac

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayey ayaa soo gabagabeeyay kulammo muhiim ah…

Gudaha
September 5, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023