Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta oo tababar Afka iyo dhaqanka ku saabsan u furay in ka badan 70-wariye
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta oo tababar Afka iyo dhaqanka ku saabsan u furay in ka badan 70-wariye
Wararka

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta oo tababar Afka iyo dhaqanka ku saabsan u furay in ka badan 70-wariye

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 14, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada Wasaaradda Warfaafinta  Mudane Cabdirixiin Ciise Caddow, Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Yaxye Cali Faarax,  Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA mudane Cali Cabdiqaadir Cali iyo Agaasimaha Farsamada Eng, Cabdiqaadir Muxudiin Khaliif ayaa ka qeyb galay tababar loo furayay 70 suxufi oo isugu jira Warbaahinta Qaranka iyo kuwa Madaxa Banaan, kaasi  oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Waaxda Shaqaalaha iyo tababarada ee Wasaaradda Warfaafinta kuna saabsan Af-ka iyo Dhaqanka oo ay bixinayaan Maxamed Xasan Cirro iyo Axmed Faarax Cali Idaajaa oo ah quburo ku xeel dheer Af-ka Soomaaliga iyo Dhaqanka ayaa socon doono muddo labo cisho ah.

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo tababarada ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirixiin Ciise Caddow ayaa sheegay in tababarkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dhamaan suxufiyiinta ka qeyb galaya,

“Suxufiyiinta tababarkan ka qeybgalaya waxa ay ka koobanyihiin 76, 46 ka tirsan Warbaahinta Qaranka qeybaheeda kala duwan, 20 ka socotay Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay iyo 10 suxufi oo ah ardayda kuliyadda Saxaafadda ka barato Jaamacadda Ummadda ee aqoon kororsiga u yimaada Warbaahinta Qaranka, runtii waxaan rajeynayaa inaad ka faa’iidi doontaan aqoon badan” ayuu yiri Agaasime Cabdirixiin.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo furay tababarka aqoon kororsiga ah ayaa sheegay in suxufiyiinta nasiibka u yeeshay tababarka ay ka faa’iideystaan fursadda soo martay.

“Waa fursad laga yaabo in inbadan oo halkan fadhiso aysan soo marin, laga ogeyn in ay soo mari doonto, tababarkan waxa uu ku yimid dareenka Ustaad Idaajaa oo sanad ka hor balan qaaday in uu tababar qaban doono, waxaana idinku boorinayaa inaad fursadan ka faa’iideysataan”. Ayuu yiri Agaasime Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Tababarka ayaa suxufiyiintii ka qeyb galaya waxa ay mudda labada cisho ah qaadan doonaan casharo la xiriirta xogwaran ku saabsan taariikhda saxaafadda Soomaaliya iyo dhaqanka.

    

        

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shir looga hadlayo doorka haweenka ee dib-u-eegista Dastuurka oo Muqdisho ka furmay  

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa labada guddi ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa maanta magaalada Muqdhisho…

Wararka
October 22, 2019

Soomaaliya iyo Jabuuti oo Kala saxiixday heshiis is-afgarad oo muhiim ah

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa maanta xarunta Wasaaradda arrimaha ee…

GudahaWararka
August 30, 2025

Wasiirka isgaarsiinta XFS oo kulan la qaatay hoggaanka Hay’adda isgaarsiinta Qaranka

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka  Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin ayaa maanta xarunta Wasaaradda kulan Isbarasho iyo xog-wareysi kula yeeshay Hoggaanka…

GudahaWararka
April 22, 2024

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS oo si rasmi ah u daahfuray barnaamijka hannaanka hubinta tayada badeecadaha

MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soaamliya Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta si rasmi ah u daah furay…

GudahaWararka
May 14, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023