Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee DFS Mudane Cabdi Diirshe ayaa warbixin ku saabsan la-dagaallanka Kalluumeysiga Sharci darrada ah ka jeediyey shir gobolleedka IOTC ee ka socda magaalada Bangkok, ee dalka Thailand.
Agaasimaha Guud ayaa xaqiijiyey in Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee DFS ay ka goโan tahay la-dagaallanka Kalluumeysiga sharci darrada ee ka dhaca biyaha Soomaaliya isla markaana ay Wasaaraddu waddo dadaallo heer calaami ah oo looga hortagaayo Kalluumeysiga sharci darrada ah.