Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland
    June 2, 2026
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
    DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed
    June 2, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 2, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga” “In ka badan 50 Khawaarij ah ayaa lagu dilay dagaalkii ka dhacay gobolka Hiiraan,”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga” “In ka badan 50 Khawaarij ah ayaa lagu dilay dagaalkii ka dhacay gobolka Hiiraan,”
GudahaWararka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga” “In ka badan 50 Khawaarij ah ayaa lagu dilay dagaalkii ka dhacay gobolka Hiiraan,”

By Dahir Aadan Cali
Last updated: May 3, 2025
2 Min Read
Share
Muqdisho.(SONNA):- Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Sheekh Abuukar Macallin ayaa ka warbixiyay weerar fuleynimo ah oo cadowga Khawaarijta shalay ku soo qaadeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan iyo kuwo ku yaalo xadka kala qeyb qeybiya xuduudda gobolladda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa xaq-u-dirka deegaanka.
Howlgalka oo mid qorsheysan ahaa ayaa Khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xooggan, waxaana jilbaha u aastay geesiyaasha Qaranka iyo kuwa deegaanka, waxaanna howlgalkaas looga dilay Khawaarijta 50-meeyo maleeshiyo iyo horjoogayaal isugu jira, kuwaas oo meydadkooda lagu arki karo goobihii lagu dagaallamay.
”Howlgalkaas wuxuu ahaa mid qorsheysan, cadowga Khawaarijta ayaa waxay isku dayeen in ay weerar ku qaadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka, waxaanna ka hortegay ciidamada xaq-u-dirirka deegaanka iyo kuwa xoogga dalka, waxayna gaarsiiyeen jab aad u weyn, meydad gaaraya labaatameeyo oo cadowga Khawaarijta ay goobta kaga carareen dhaawacoodana ay ku daba jiraan, maanta waxaan xaqiijineynaa in meydad soddomeeyo ah loogu tegay keymaha deegaannada laga dagaallamay, kuwaas oo laga dilay Khawaarijta, waxaanna marka la isku daro khasaaraha Khawaarijta shalay iyo maanta gaaray noqonayaan 50-meeyo meydadka Khawaarijta ah,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS.
Deegaannada lagu dagaallamay oo kala ah Muqluge Cali, Ceelhareeri,Hareeri Madoobe iyo Garas Magan iyo deegaanno kale oo ku teedsan xuduuddda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa dhammaan hadda waxaa gacanta ku haya ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka, iyadoo lagu dabo jiro firxadka Khawaarijta.
Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa guulo wax ku ool ah ka gaaray howlgallada ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa Khawaarijta, waxaanna meel wanaagsan maraya qorshaha dagaal ee dalka looga ciribtiro kooxaha nabad-diidka ah.
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Geneva (SONNA): Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo wargelin iyo digniin amni soo saaray

 MUQDISHO:-(SONNA):-Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliiska Gobolka Banaadir ayaa wargelin iyo digniin amni ka soo saaray bannaan baxa ka dhacaya…

GudahaWararka
May 10, 2026

Wasiirka warfaafinta oo soo xiray mashruuc lagu tababaray in ka badan 350 qof oo ku saabsanaa la dagaalanka xagjirka

Muqdisho (SONNA): Barnaamijkaan oo socday muddo laba sano ah 2023/2024, waxaa iska kaashaday Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, hay’adda…

GudahaWararka
September 24, 2024

Wasiirka Deegaanka oo Saxiixday Heshiis Iskaashi oo lagu taageerayo bulshooyinka u nugul deegaanka

Bako, (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Amb Khadija Al-Makhzoumi, ayaa heshiis la saxiixatay hay'adda Global Center for Climate…

GudahaWararka
November 14, 2024

Madaxweynaha oo u hambalyeeyay boqorka Sacuudi Carabiya

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 95-aad ee maalinta Qaranimada Sacuudiga…

GudahaWararka
September 24, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023