Muqdisho (SONNA):- Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa kawarbixiyey xaladihii ugu danbeeyey ee dalka ka dhacay, isaga oo ganacsatada aan wali goobahooda ku xiran kaamiroyinka faray in ay xirtaan.
Afhayeenka ayaa sheegay in guud ahaan dalka ay ka dhaceen siddeed kiis oo dil ah kuwaas oo qaar ka mid ah ay Khawaarijta geystay, halka kuwa kale ay u dhaceen aano qabiil iyo dilal caadi ah, sidoo kale waxa uu sheegay in 8 qof uu dhaawac soo gaaray halka shilalka ay gaarayaan illaa 3 shil, dabka ayuu sheegay in saddex dab ay ka kala dhaceen Muqdisho iyo Buuleburde.
Sidoo kale Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in guud ahaan dalka muddo todobaad ah uu ka dhacay afar Qarax kuwaas oo ay geysteen Khawaarijta, isaga oo sheegay in degmada Hodan ee gobolka Banaadir ay ku Qaraxday hal Bom gacmeed ah taas oo aan geysan wax Khasaare ah.
Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali ayaa xusay in laamaha amaanka oo kaashanaya Ganacsatada Soomaaliyeed ay ku guuleysteen in goobaha ganacsiga lagu xiray badan kooda Kaamirooyin loogu talagalay in lagu xaqiijiyo Amniga goobaha Ganacsiga.