Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Afhayeenka Booliska oo warbaahinta la wadaagay dhacdooyinkii ka dhacay dalka todobaadkii la soo dhaafay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Afhayeenka Booliska oo warbaahinta la wadaagay dhacdooyinkii ka dhacay dalka todobaadkii la soo dhaafay
GudahaWararka

Afhayeenka Booliska oo warbaahinta la wadaagay dhacdooyinkii ka dhacay dalka todobaadkii la soo dhaafay

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 23, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo xarunta taliska Ciidamada Booliska shir jiraa’id ku qabtay ayaa warbaahinta la wadaagay warbixin la xiriirta xaaladihii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka shantii maalin ee u dameysay.

Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe), Afhayeenka Ciiidamada Booliska ayaa warbaahinta ugu horreyn la wadaagay dhacdooyinka amniga liddiga ku ah, kuwaas oo ka dhacay qaar ka mid ah Maamul Gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Afhayeenka ayaa sheegay in October 18, 2023-ka Ciidamada Booliska oo hawlgal ka sameeyey deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ee Dowlad Gobaleedka Galmudug ay ku qabteen gaari nuuca looyaqaan Nooha, kaas oo Khawaariijta u waday agab raashin ah oo ay isticmali rabeen.

Ciidamada Booliska ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa ku guuleystay in ay kala dhexgalaan laba beelood oo walaalo ah, kuwaas oo ku dagaalamay deegaano hoosyimaada degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Gaashaanle Saadiiq ayaa sheegay in October 21, 2023-ka waaxda Kordamac ee degmada Dayniile ay xubno ka tirsan Khawaariijta oo watay mooto Bajaaj ay Bam gacmeed ku tureen dad shacab ah, iyada oo Ciidamada Booliska ay dabagal ku sameeyeen, ka dib markii xogo ay ka heleen dadka deegaanka.

October 20, 2023-ka Saldhiga degmada Wadajir ayaa lagu soo xiray eedeysane lagu magacaabo Haadi Xuseen Cabdulle, kaas oo dhaawac toorey ah u geystay qof dhibane ah oo lagu magacaabo Cadnaan Ibraahim Samow, xilli uu Taleefanka uu ka qaadan rabay.

October 21, 2023-ka degmada Diinsoor ee dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, waxaa lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Mayow oo markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, iyada oo Afhayeenka uu sheegay in la yaqaano shaqsiga dilka geystay.

Isla maalintaas Ciidamada Booliska ayaa Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka soo xiray 14 eedeysane kuwaas oo lagu eedeeyey in ay kufsadeen Wiil yar oo da’diisa ahayd 11, iyada oo Ciidamada Booliska Puntland ay baaris ku sameeyeen eedeysanayaashaan, xilli laga qaaday barista hidde sidaha ee DNA.

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciiidamada Booliska Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe) ayaa sheegay in October 21, 2023-ka gaari ay Khawaariijta ka soo buuxsheen waxlaha Qarxa ay damceen in ay soo galiyaan Caasimadda ku qarxay bar kontarool oo ku taal deegaanka Ceelasha Biyaha ee duuleedka Magaalada Muqdisho.

Khasaaraha uu geystay Qaraxa ayaa gaaraya dhimashada lix qof; oo afar ka mid ah ay ahaayeen Ciidamada Xasilinta oo goobta ku sugnaa, halka labada kale ay ahaayeen kuwa shacab ah, sidoo kale waxaa ku dhaawacantay sagaal qof oo shan ka mid ah ay ahaayeen Ciidamada iyada oo afarta kale ay ahaayeen dad shacab ah, sida uu sheegay Afhayeenka Booliska.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Xoogga oo hawlgal ka dhan khawaarijta ka sameeyay Shabeelaha Hoose

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutada 14 Octobar iyo kuwa NISA oo is kaashanaya ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal…

GudahaWararka
February 11, 2024

Ku dhawaad 30-ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Shabeelaha dhexe

Muqdisho (SONNA): Ciidanka hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyey hawlgal lagu dilay maleeshiyaad…

GudahaWararka
December 3, 2024

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Safiirka UK iyo Ku-xiggeenka Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dawlad Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta  magaalada Muqdishu kula la qaatay Danjiraha Dowladda UK iyo Danjire…

GudahaWararka
February 3, 2022

Hirshabeelle oo Jowhar ka hir-gelinaysa Isbitaal cusub

Jowhar-(SONNA)-Wasiirka Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cabdi Macallin Muxumad, ayaa sheegay in ay Jowhar ka dhisayaan Isbitaal u gaar ah…

Wararka
March 9, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023