Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Afhayeenka Booliska oo warbaahinta la wadaagay dhacdooyinkii ka dhacay dalka todobaadkii la soo dhaafay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Afhayeenka Booliska oo warbaahinta la wadaagay dhacdooyinkii ka dhacay dalka todobaadkii la soo dhaafay
GudahaWararka

Afhayeenka Booliska oo warbaahinta la wadaagay dhacdooyinkii ka dhacay dalka todobaadkii la soo dhaafay

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 23, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo xarunta taliska Ciidamada Booliska shir jiraa’id ku qabtay ayaa warbaahinta la wadaagay warbixin la xiriirta xaaladihii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka shantii maalin ee u dameysay.

Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe), Afhayeenka Ciiidamada Booliska ayaa warbaahinta ugu horreyn la wadaagay dhacdooyinka amniga liddiga ku ah, kuwaas oo ka dhacay qaar ka mid ah Maamul Gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Afhayeenka ayaa sheegay in October 18, 2023-ka Ciidamada Booliska oo hawlgal ka sameeyey deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ee Dowlad Gobaleedka Galmudug ay ku qabteen gaari nuuca looyaqaan Nooha, kaas oo Khawaariijta u waday agab raashin ah oo ay isticmali rabeen.

Ciidamada Booliska ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa ku guuleystay in ay kala dhexgalaan laba beelood oo walaalo ah, kuwaas oo ku dagaalamay deegaano hoosyimaada degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Gaashaanle Saadiiq ayaa sheegay in October 21, 2023-ka waaxda Kordamac ee degmada Dayniile ay xubno ka tirsan Khawaariijta oo watay mooto Bajaaj ay Bam gacmeed ku tureen dad shacab ah, iyada oo Ciidamada Booliska ay dabagal ku sameeyeen, ka dib markii xogo ay ka heleen dadka deegaanka.

October 20, 2023-ka Saldhiga degmada Wadajir ayaa lagu soo xiray eedeysane lagu magacaabo Haadi Xuseen Cabdulle, kaas oo dhaawac toorey ah u geystay qof dhibane ah oo lagu magacaabo Cadnaan Ibraahim Samow, xilli uu Taleefanka uu ka qaadan rabay.

October 21, 2023-ka degmada Diinsoor ee dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, waxaa lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Mayow oo markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, iyada oo Afhayeenka uu sheegay in la yaqaano shaqsiga dilka geystay.

Isla maalintaas Ciidamada Booliska ayaa Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka soo xiray 14 eedeysane kuwaas oo lagu eedeeyey in ay kufsadeen Wiil yar oo da’diisa ahayd 11, iyada oo Ciidamada Booliska Puntland ay baaris ku sameeyeen eedeysanayaashaan, xilli laga qaaday barista hidde sidaha ee DNA.

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciiidamada Booliska Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe) ayaa sheegay in October 21, 2023-ka gaari ay Khawaariijta ka soo buuxsheen waxlaha Qarxa ay damceen in ay soo galiyaan Caasimadda ku qarxay bar kontarool oo ku taal deegaanka Ceelasha Biyaha ee duuleedka Magaalada Muqdisho.

Khasaaraha uu geystay Qaraxa ayaa gaaraya dhimashada lix qof; oo afar ka mid ah ay ahaayeen Ciidamada Xasilinta oo goobta ku sugnaa, halka labada kale ay ahaayeen kuwa shacab ah, sidoo kale waxaa ku dhaawacantay sagaal qof oo shan ka mid ah ay ahaayeen Ciidamada iyada oo afarta kale ay ahaayeen dad shacab ah, sida uu sheegay Afhayeenka Booliska.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddiga qaran ee ka hortagga Covid-19 oo ka hadlay hoos u dhac ka muuqda faafidda cudurkaasi

Muqdisho.(SONNA)...Kulanka ay yeesheen guddiga qaran ee ka hortaga cudurka covid-19 oo ahaa  qaab muuqaal ah oo loo adeegsaday Mareegta Internet-ka…

Wararka
May 22, 2020

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sagootiyay Safiirkii Turkiga ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah Madaxtooyada Qaranka ugu sameeyey safiirka dowladda aan walaalaha…

GudahaWararka
February 28, 2024

Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah  Burcad-badeeda iyo Argagaxisada

Muqdisho;(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ku sugan degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa halkaasi waxaa…

Wararka
June 18, 2020

Maamulka Gobolka Banaadir oo kala wareegay gudiga wacyi galinta qaran qalab looga gaashaanto coved-19

Muqdisho:(SONNA)-Maamulka Gobolka Banaadir  ayaa Maanta kala wareegay gudiga wacyi galinta heer qaran qalab looga gaashaanto coved-19 oo ay ku Deeqeen…

Wararka
May 4, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023