Muqdisho (SONNA) Afhayeenka Boliiska Soomaaliya, Sadiiq Aadan Doodishe ayaa faah-faahin ka bixiyay ayaa ka warbixiyay weerarkii naf-lacaariga ahaa ee Khawaarijtu ku soo qaadday xarunta Aqalka Dowladda Hoose.
Afhayeenka oo shir jaraaโid ku qabtay xarruunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku guulaysteen in ay ka hortagaan weerarka Khawaarijta soo qaadeen.
Mudane Sadiiq Aadan Doodishe ayaa sheegay in kooxda khawaarijta ee weerarka soo qaaday ka koobnayeen 6 dhagar qabe.
Afhayeenka ayaa sheegay mid kamid ah xubnaha khawaarijta uu isku qarxiyay bannaanka hore ee dhismaha, halka shan xubnood oo kale la toogtay iyaga oo aan soo gaarin halkii ay u socdeen.
Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday ay soo badbaadiyeen dad isugu jira masโuuliyiin iyo shacab. Tirada dadka rayidka ee dhintayna ay gaarayaan 6 ruux.