Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Gudigga Doorashooyinka Qaranka oo Matabaan ka Bilaabay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha
    March 10, 2026
    Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka
    March 10, 2026
    Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen
    March 10, 2026
    Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka
    March 10, 2026
    Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP
    March 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
GudahaMaqaalladaWararka

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 15, 2025
5 Min Read
Share

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray Ceeldheer, Bariirre, Sabiid, Caanoole iyo Wargaadhi waxa ay direen dhawr fariimood oo mudan in lagu baraarugo” sida uu sheegay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta mudane Cabdiraxmaa Yuusuf Cadaala.

Fariinta koowaad, waxa ay muujiyeen awoodda Ciidanka Qaranka in ay difaac iyo duullaan labaduba ku jabin karaan ugana adag yihiin Khawaarijta, sababta oo ah dagaallada qayb waxay ahayd duullaan ay soo qaadday Khawaarijtu sida Ceeldheer iyo Wargaadhi si xun ayaana loogu jabiyay, halka Bariirre, Sabiid iyo Caanoole ay Ciidanka Qaranka duullaan ahaayeen kuna jabiyeen difaacyadii Khawaarijta halkaasi ku lahayd.

Fariinta labaad ee ku jirta waa in si cad Ciidanka Qaranka u beeniyeen fariimihii Siyaasadaysnaa ee sheegayay in Ciidamada kala daateen ama aanay u babac dhigi karin duullaanada Khawaarijta, mar haddii ay weerarro lagu tilmaamay kuwii ugu xooganaa, uguna abaabulnaa ee Khawaarijta iyo difaacyadii ugu adkaa ee dhulka hoostiisa ay ka samaysteen Khawaarijtu ay labaduba dulmareen Ciidanka Qaranka.

Fariinta sadexaad, waa in ay beenawday fariimaha dibadda iyo gudaha ee sheegayay in khawaarijtu ay qarka u saaran tahay in ay Dalka qabsato, maadaama maalin cad lagu jabiyay duullaanadii ay soo qaadeen iyo difaacyadoodii ay ku dhuumaaleysan jireen intuba.

Fariinta afaraad, waa in sida muuqata hadda ay Ciidamada Qaranku fahmeen xeeladna u yeesheen fashilinta tabihii ugu dambeeyay ee ay Khawaarijtu isticmaalaysay sida Gawaarida Qaraxyada ah oo sida lawada arkay ay qarxiyeen Ciidamadu kahor inta aanay soo gaarin xeryahooda iyo iska caabinta weerarada xero taraarka ah ee Khawaarijta oo qaraxyada kadib ay ku geli jireen xarumaha Ciidamada, balse hadda la arkay iyaga oo Maydkooda la is dulsaaray inta aanay gaarin yoolkooda”.

Isku-gayntu waxa ay tahay, waa xaqiiq in Dalkeennu ku jiro dagaal daba dheeraaday oo ka dhan ah Khawaarijta doolka ah, waa xaqiiq in ay yihiiin qatar Qaran oo dhab ah, waxaase xaqiiqo kale oo jirto ah in 15-kii sano ee la soo dhaafay Khawaarijtu ay sii daciifaysay awood ahaan, halka Ciidanka Qarankuna soo xoogaysanayay taas oo ka dhigan in aan si togan cagta ugu hayno jidkii aan uga takhalusi-lahayn Khawaarijta, Insha Allah.

Calaamadda ugu wayn waa xasiloonida ay dareemayaan dadka ku nool magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, Marka, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Boosaaso iyo goobo kale oo si joogta ah ay Khawaarijtu qaraxyo iyo dilal uga gaysan jirtay balse Bulshooyinka ku nool Magaalooyinkaas ay hadda ka nasteen maqalka xanuunadaas kadib markii loo awood sheegtay Khawaarijta.

Isku-gayntu waxa ay tahay, waa xaqiiq in Dalkeennu ku jiro dagaal daba dheeraaday oo ka dhan ah Khawaarijta doolka ah, waa xaqiiq in ay yihiiin qatar Qaran oo dhab ah, waxaase xaqiiqo kale oo jirto ah in 15-kii sano ee la soo dhaafay Khawaarijtu ay sii daciifaysay awood ahaan, halka Ciidanka Qarankuna soo xoogaysanayay taas oo ka dhigan in aan si togan cagta ugu hayno jidkii aan uga takhalusi-lahayn Khawaarijta, Insha Allah.

Calaamadda ugu wayn waa xasiloonida ay dareemayaan dadka ku nool magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, Marka, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Boosaaso iyo goobo kale oo si joogta ah ay Khawaarijtu qaraxyo iyo dilal uga gaysan jirtay balse Bulshooyinka ku nool Magaalooyinkaas ay hadda ka nasteen maqalka xanuunadaas kadib markii loo awood sheegtay Khawaarijta.

Ku darso dhamaan Dhulka lagu dagaallamayo maanta, sanado yar kahor wuxuu ku jiray gacanta Khawaarijta wuxuuna isugu jiraa mid laga saaray iyo mid lagu socdo.

Dhamaan waa tusaalooyin muujinaya jihada aan ku socono oo ah Soomaaliya oo xor ka ah Khawaarij, kuna naaloonaysa nabad, deganaan iyo Dawladnimo, Alle Idamkiisa.

Inta inooga Shahiiday Alle ha u aqbalo, inta dhaawacantayna Alle ha u booga dhayo, inta ehelkooda ku waysay badal Khayr leh Alle ha siiyo, inta Dagaalka ku jirtana Alle ha sugo, guushana haku makaniyo.

Cabdiraxmaan Cadaala Wasiir ku xigeenka Warfaafinta

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Gudigga Doorashooyinka Qaranka oo Matabaan ka Bilaabay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa si habsami leh uga bilaabatay maanta diiwaangelinta codbixiyeyaasha, taas…

March 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta ka tirsan hay’adda Lacagta IMF iyo Bankiga Adduunka

Muqdisho,(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo kula qaatay xarumahooda magaalada Washington ee dalka Mareykanka mas’uuliyiinta ka…

GudahaWararka
December 14, 2023

Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay Agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee hey’adda Care

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee…

GudahaWararka
September 23, 2025

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Afrika iyo Aasiya+Sawirro

New Delhi-(SONNA)-Shirka Asian-Afrikan Leadership Forum oo looga hadlayay xoojinta xiriirka dhaqaale ee Waddamada ku bahoobay Ururkaasi ayaa lagu soo gaba-gabeeyay…

Wararka
January 30, 2020

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo maanta booqday kulliyada Ciidamadda ee Dowladda Qatar

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo safar shaqo ku jooga Caasimadda dowladda Qatar…

GudahaWararka
July 23, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023