Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta
    January 31, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka
    January 31, 2026
    Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga
    January 31, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Turkiga oo Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay Barnaamijka Tababarka Baarista Maaliyadda
    January 31, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
GudahaMaqaalladaWararka

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 15, 2025
5 Min Read
Share

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray Ceeldheer, Bariirre, Sabiid, Caanoole iyo Wargaadhi waxa ay direen dhawr fariimood oo mudan in lagu baraarugo” sida uu sheegay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta mudane Cabdiraxmaa Yuusuf Cadaala.

Fariinta koowaad, waxa ay muujiyeen awoodda Ciidanka Qaranka in ay difaac iyo duullaan labaduba ku jabin karaan ugana adag yihiin Khawaarijta, sababta oo ah dagaallada qayb waxay ahayd duullaan ay soo qaadday Khawaarijtu sida Ceeldheer iyo Wargaadhi si xun ayaana loogu jabiyay, halka Bariirre, Sabiid iyo Caanoole ay Ciidanka Qaranka duullaan ahaayeen kuna jabiyeen difaacyadii Khawaarijta halkaasi ku lahayd.

Fariinta labaad ee ku jirta waa in si cad Ciidanka Qaranka u beeniyeen fariimihii Siyaasadaysnaa ee sheegayay in Ciidamada kala daateen ama aanay u babac dhigi karin duullaanada Khawaarijta, mar haddii ay weerarro lagu tilmaamay kuwii ugu xooganaa, uguna abaabulnaa ee Khawaarijta iyo difaacyadii ugu adkaa ee dhulka hoostiisa ay ka samaysteen Khawaarijtu ay labaduba dulmareen Ciidanka Qaranka.

Fariinta sadexaad, waa in ay beenawday fariimaha dibadda iyo gudaha ee sheegayay in khawaarijtu ay qarka u saaran tahay in ay Dalka qabsato, maadaama maalin cad lagu jabiyay duullaanadii ay soo qaadeen iyo difaacyadoodii ay ku dhuumaaleysan jireen intuba.

Fariinta afaraad, waa in sida muuqata hadda ay Ciidamada Qaranku fahmeen xeeladna u yeesheen fashilinta tabihii ugu dambeeyay ee ay Khawaarijtu isticmaalaysay sida Gawaarida Qaraxyada ah oo sida lawada arkay ay qarxiyeen Ciidamadu kahor inta aanay soo gaarin xeryahooda iyo iska caabinta weerarada xero taraarka ah ee Khawaarijta oo qaraxyada kadib ay ku geli jireen xarumaha Ciidamada, balse hadda la arkay iyaga oo Maydkooda la is dulsaaray inta aanay gaarin yoolkooda”.

Isku-gayntu waxa ay tahay, waa xaqiiq in Dalkeennu ku jiro dagaal daba dheeraaday oo ka dhan ah Khawaarijta doolka ah, waa xaqiiq in ay yihiiin qatar Qaran oo dhab ah, waxaase xaqiiqo kale oo jirto ah in 15-kii sano ee la soo dhaafay Khawaarijtu ay sii daciifaysay awood ahaan, halka Ciidanka Qarankuna soo xoogaysanayay taas oo ka dhigan in aan si togan cagta ugu hayno jidkii aan uga takhalusi-lahayn Khawaarijta, Insha Allah.

Calaamadda ugu wayn waa xasiloonida ay dareemayaan dadka ku nool magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, Marka, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Boosaaso iyo goobo kale oo si joogta ah ay Khawaarijtu qaraxyo iyo dilal uga gaysan jirtay balse Bulshooyinka ku nool Magaalooyinkaas ay hadda ka nasteen maqalka xanuunadaas kadib markii loo awood sheegtay Khawaarijta.

Isku-gayntu waxa ay tahay, waa xaqiiq in Dalkeennu ku jiro dagaal daba dheeraaday oo ka dhan ah Khawaarijta doolka ah, waa xaqiiq in ay yihiiin qatar Qaran oo dhab ah, waxaase xaqiiqo kale oo jirto ah in 15-kii sano ee la soo dhaafay Khawaarijtu ay sii daciifaysay awood ahaan, halka Ciidanka Qarankuna soo xoogaysanayay taas oo ka dhigan in aan si togan cagta ugu hayno jidkii aan uga takhalusi-lahayn Khawaarijta, Insha Allah.

Calaamadda ugu wayn waa xasiloonida ay dareemayaan dadka ku nool magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, Marka, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Boosaaso iyo goobo kale oo si joogta ah ay Khawaarijtu qaraxyo iyo dilal uga gaysan jirtay balse Bulshooyinka ku nool Magaalooyinkaas ay hadda ka nasteen maqalka xanuunadaas kadib markii loo awood sheegtay Khawaarijta.

Ku darso dhamaan Dhulka lagu dagaallamayo maanta, sanado yar kahor wuxuu ku jiray gacanta Khawaarijta wuxuuna isugu jiraa mid laga saaray iyo mid lagu socdo.

Dhamaan waa tusaalooyin muujinaya jihada aan ku socono oo ah Soomaaliya oo xor ka ah Khawaarij, kuna naaloonaysa nabad, deganaan iyo Dawladnimo, Alle Idamkiisa.

Inta inooga Shahiiday Alle ha u aqbalo, inta dhaawacantayna Alle ha u booga dhayo, inta ehelkooda ku waysay badal Khayr leh Alle ha siiyo, inta Dagaalka ku jirtana Alle ha sugo, guushana haku makaniyo.

Cabdiraxmaan Cadaala Wasiir ku xigeenka Warfaafinta

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Delhi(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali ,…

January 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Lafta gareen oo Magacaabay Wasiirrada warfaafinta iyo macdanta

Baydhabo-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya, C/casiis Xasan Maxamed (lafta-gareen) ayaa Maanta wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa ku Magacaabay Laba xubnood…

Wararka
July 4, 2020

Putin โ€œsahayda hubka reer galbeedka ee ku socda Kyiv ma bedeli doonto habka dagaalka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ย ayaa sheegay in taangiyada ajnabiga ah ee reer galbeedka ay bartilmaameed mudnaanta leh ku yihiin ciidamada…

Caalamka
July 14, 2023

Madaxweynaha Jubbaland oo ka qeybgalay dhaarinta xubnaha Golaha Wasiirada “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabada dhaarinta golaha Wasiirada cusub ee dhawaan…

GudahaWararka
June 3, 2021

Wasiirka difaaca ee dalka oo sheegay in xarumo cusub loo dhisi doono ciidanka Xoogga Dalka

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed ayaa sheegay in Wasaaraddu ay dhisayso xarumo cusub oo ay ciidanka…

Wararka
March 13, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023