Afar carruur ah ayaa nolol lagu helay ,iyagoo jooga kaymaha Colombia in ka badan shan toddobaad, ka dib markii ay burburtay diyaaradii ay la socdeen oo sidday illaa 7 ruux sida uu sheegay madaxweynaha Colombia Gustavo Petro.
Ciidamada ayaa Jimcihii soo badbaadiyay carruurtaan oo ku sugnaa meel u dhow xuduudka u dhexeeya gobollada Caqueta ee Colombia iyo Guaviare, oo u dhow halka ay diyaaradda yar ku burburtay.
Diyaaradda oo nooceedu ahaa Cessna 206 โ ayaa siday toddobo qof ,waxaana diyaaradaasi la waayey ama ugu war dambeysay 1-dii May ,kadib kolkii ay ku timid cilad xagga mishiinka ah.
.Saddex qof oo waaweyn oo uu ku jiro duuliyihii diyaaradda iyo hooyada dhashay carruurta ayaa ku dhintay shilka diyaaradda, waxaana meydadkooda laga helay diyaaradda gudaheeda.
Afarta carruur ah ayaa daโdooda lagu ย kala sheegay 13, 9 , 4 iyo sidoo kale ilmo jira 12 bilood,waxaana saaka aroortii la geeyay caasimadda Bogota ย si loogu daweeyo.
Narcizo Mucutuy, oo ah awoowaha caruurtaasi, ayaa saxaafadda u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay nolosha caruurtiisa,wuxuuna u mahadceliyay ciidamada Kolombiya.
Madaxweynaha Colombia ย Petro ayaa farriin uu soo dhigay Twitter-ka ku yidhi โbadbaadinta caruurtaasi farxad ayeey u tahay dalka oo dhanโ