Muqdisho(SONNA):-Cumar Maxamed Abuu Ayaan oo horay uga tirsanaan jiray Khawaarijta balsa ka soo laabtay fikirkodii qaldanaa ayaa sheegay in khawaarijtu dhalinyarada ka tirsan oo ay soo qaldeen ay siiyaan Darooga si aysan u dareemin wax cabsi ah
Abuu Ayaan ayaa tilmaamay in khawaarijtu aminsan tahy si ay u gaaraan ujeeddadoodu gurracan ay maleeshiyaadka Khawaarijta ka tirsan ka dharjiyaan waxyaabaha maanka dooriya taas oo qofka ka dhigayso mid bilaa dareen ah.
Khawaarijta ayaa dhalinyarada marka hore ku qalda fariimo been ah oo raad ku laheyn Diinta islaamka, kadib ayay waxay siiyaan maandooriyaasha si qofka looga qaado xasuusta iyo inuu xisaabtamo loogana ilaaliya fahamka nolosha ee adduunka.
Abuu ayaan ayaa intaa hadalkiisa ku daray in waxa ay wadaan argagixisada aysan Diin aheyn, islamarkana ay dilayaan qof walba oo islaam ah taana ay baal marsan tahy Diinteena suubban, isagoo dhalinyarada la qalday kuwooda wax fahmaya inay isaga soo baxaan kuwa Alle ku caasiiyay kana been sheegay Diinteena Suubban.
Horjooge hore Abuu Ayaan ayaa isaga ka mid ah kuwa fikirka xagjirnimada ee Argagixisada mar hore ka soo tagay kadib markuu arkay arxanka daran ee Khawaarijta kula kacayaan shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah, lana soo yaabay hab dhaqanka xun ee Horjoogayaasha Sar sare ee Khawaarijta.