Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: “Aabahay waxaa dilay Al-Shabaab, waxaana i korineysa Dowladda” (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > “Aabahay waxaa dilay Al-Shabaab, waxaana i korineysa Dowladda” (Warbixin)
MaqaalladaWararka

“Aabahay waxaa dilay Al-Shabaab, waxaana i korineysa Dowladda” (Warbixin)

By Abdulkadir
Last updated: January 11, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Waa arrin xanuun badan in aad weyso adigoo sabi ah qeyb kamid ah Waalidkaa ka oo qeyb ka qaadan lahaa koriimada iyo daryeel noloshaada intaba,waxa aan ka hadlayo waa Carruurta Agoonta ciidanka Booliiska Soomaaliyed kuwaa oo ay khawaarijtu dileen Abayaashood.

Sida aya rabtay khawaarijtu in nolosha carruutan ay mugddi u gasho ma aysan dhicin dowladda Soomaaliya ayaa u istaagatay in ay kafaala qaado nolosha,Caafimaadka ,waxbarasho Amni ee caruurtani oo wajiyadooda laga dheehan karay sida ay ugu farax sanyihiin daryeelka ay ka heleen dowladooda.

Warbaahinta qaranka ayaa booqatay xarunta Barbaarinta Agoonta ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaa oo lagu xananeeyo in ku dhow 300 (saddex Boqol) oo ah carruurta Agoonta ciidanka Booliska soomaaliya,kuwaa oo dowaladu kafaalla qaaday in ay helaan inta Carruurta lamidka ah ay helaan sida waxbarsho,Caafimaad yo guud ahaan waxyaabaha nolosha Aas-aasiga u ah,iyagoo labaro waxbarashada Maadi iyo Diini intaba.

Ilama kasta waxa xaruntan keenna hoyooyinkood  kadib markey agoonteyeen oo Aabayashood ay dileen khawaarijta,haddaba sidii carruurtan loo keena xaruntan waxaa su’ashan weydiina sareeyo Guuto Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ah maamulaha xaruntan

“Waa in la soo maraa taliyaha ciidanka Booliiska  lana xaqiijiyo qofka dhimashadiisa,codsi  Maxkamada laga soo qorto wayo waxa macquul ah in marxuumku laba xaas katagay wanu xaqiijina kadib ayaa xerada la kenaa” sidaa waxa yiri taliye Cali Gaab

Arrinta cajiibka ah ayaa ah in ha’adda Booliiska sameeysay isku tashi kana dhabeeysay in koriima bilaash ah ay helaan carruurta ay ka dhintaan askarta iyo sarakiisaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxana  si ay arintaa u dhaqan gasho talisku uu sameeyay in bil walba askariga Booliiska mushaarka uu qaato looga jaro Hal doolar,lacgtaa oo kaalin weyn ka qaadata daryeelka iyo waxbarashada caruurta Agoonta ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

“Wax aan la kulanno oo caqabad ah ma jiraan,cidnna looma baryo caruurtaan lacagta Akoonbaa loogu shubaa lacgtaa oo bil walba gaarto14,700(Afar iyo toban kun todoba boqol oo doolar) taa ayanu wax ugu karinaa”ayuu yiri markale Cali Gaabo

Carruurta qaarkood oo anu la hadalnay aya sheegay in ay u mahadcelinayaan dowladda askarta musharkooda qeyb uga jara,waxa ayna qabaan raja ah in markey waxbarataan ay ugu adegaan dalkooda iyo dadkooda si lamid waddadii ay ku baxeen abayashood oo ahaa geysiyaal wax badan u soo qabtay dalkood.

“Siddeed Agoon ah ayaan heystaa oo mid kamid ah ayaa  halkaan ku jiro kuwa kalana in aan keno oo wax la ii baraan rajeynaa  wana u mahadcelinayaa dowladda iyo Abbo Cali oo ah Maamulaha xarunta”waaxa sidaa yiri mid kamid ah walidiinta caruurtood ay ku jiraan xarunta Agoonta ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Intaasi caruur ah hal mar abayashood lama dilin midba meel ayuu Alle ku oofsaday Aabihiis,intooda badan waxa uu Alle ku sababay gacanta kooxada arxanka daran ee khawaarijta ah hada waxa loo soo jeeystay dowlad soomaaliya hadafka kowaad u ah dabar gooynta khawaarijta Agoonteeysay caruurtaan iyo kuwa kale oo fara badan..

Caruurtaani oo qarkood aad u yar yar ayaan u kuurgalnay sida ay u helaan adegayda ay u baahanyihiin iyo xananeyntooda waxana waxa kaweydiinay hooyo Xaawo Ayaanle oo kmaid ah walidiinta ay xaruntani u xil saaratay Caruurtani  daryeelkooda

“Qaar wey xanuun sanayan habeenkii kuwa wey sasayaan oo iska baxayaan waxas oo dhan waa in ad u tagnaata sidii ad uga caawin lahayd oo booskii waalidnimo u buuxin lahayd wana ku dadaalnaa” ayay tiri hooyo Xaawo

Xarunta Barmaarinta Agoonta carruurta ciidanka Booliiska soomaaliyeed oo ku taal Degmada Wadajir waxa ay furantahy mudda shan sanadood ah ,waxasa xusid mudan in gobolada dalkeenna uu ka howlgallo ciidanka Booliska soomaaliyed aysan xarummo  ku lahayn balsa mustaqbalka dhaw la rajeynayo in xaruma laga furo deganadasi

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, oo ka qayb galaya meertada seddexaad ee Shirweynaha…

GudahaWararka
December 16, 2021

Khawaarij waddada miino ku aasayay oo la halaagay

Ciidamada kacdoonka shacabka ee ku sugan Xarardheere ayaa deegaan dhowr iyo toban KM dhanka galbeed ka xiga magaaladaasi ku fashiliyey…

GudahaWararka
September 28, 2023

Wasiirka warfaafinta oo soo xiray tababar ku saabsan ka hortaga wararka been abuurka ah

Muqdisho (SONNA): Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa soo xiray tababar…

GudahaWararka
June 12, 2024

Guddoomiyaha golaha shacabka oo guddoomiyay shirka wada-tashiga golaha wakiilada ee dowlad goboleedyadda

Muqdisho.SONNA…Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyay shirka wada-tashi guddoomiyeyaasha Golaha Wakiilada…

Gudaha
March 1, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023