Baydhabo (SONNA): Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku guuleystay doorashada Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaddib markii uu helay 88 cod. Musharraxii la tartamayay ayaa helay hal cod, halka hal codna uu xumaaday.
Doorashada ayaa waxaa ka qeyb galay 90 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed oo soo xaadiray hoolka doorashada.
