Muqdisho,(SONNA): Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa degmada Cabdicasiis ku soo bandhigay hub noocyo kala duwan leh oo lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada amniga ka sameeyeen guryo lagu qariyay hubkaas.
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macallin Mahdi oo shir jiraa’id ku qabtay degmada Cabdicasiis ayaa warbaahinta u soo bandhigay hub sharcidaro oo rag siyaasiyiin hore ah guryaha ku haysteen, kuwaas oo dhibaato ku ahaa amniga degmadaas, wuxuuna taliyaha hoosta ka xariiqay in howlgalka sii socon doono oo lagu baacsanayo dadka falalka lidka ku ah amniga wada.
” Howlgalka oo wali socda waxaa lagu qabtay hub fara badan, kuwaas oo meelo kala duwan laga soo qabtay, bulshada Soomaaliyeedna waa la wadaagi doonaa,” ayuu yiri Taliyaha Booliska gobolka Banaadir.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa digniin adag u diray siyaasiyiinta ee hubka iyo maleeshiyaadka soo abaabulay, isagoo wacad ku maray inaan la fasixo doonin oo maxkamad lala toogsan doono, haddii markale ay isku dayaan falalka noocaan oo kale ah.
“Siyaasi dambe oo hub iyo maleeshiyaad soo abaabulay lama fasixi doono ee waa la maxkamadey doonaa,”
Ugu dambeyntii, shacaka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku dhaqan gobolka Banaadir ayuu uga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyeen hay’adaha amniga oo tallaabo sharci ah ka qaaday maleeshiyaadkii ku soo gardarooday shacabka degmada Cabdicasiis.