Muqdisho,(SONNA):- Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayaa xoojinaysa diyaargarowga iyo kormeerka goobaha dalka laga soo galo, foomka Caafimaadka Safarrada, Shaybaarka, IPC, wacyigelinta bulshada iyo isku-duwidda PHEOC.
Sidoo kale, Wasaaraddu ayaa dadweynaha ku wargalineysaa inay is dejiyaan, raacaan talooyinka rasmiga ah, gacmaha dhaqaan, calaamadaha degdeg u soo sheegaan, kana fogaadaan wararka aan la xaqiijin.
Shir heer wasiir oo lagu qabtay xarunta howlgallada deg degga ah ( PHEOC) ee maxhadka caafimaadka Qaranka ( NIH), shirkaas ayaa lagu gorfeeyay diyaargarowga iyo isku-duwidda ee ka hortagga Ebola.
