Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka Koknfur Galbeed Soomaaliya.
Guddiga ayaa labada ilaa saddexda Juun ee bishan u asteeyay qabashada Araajida musharaxiinta guddoomiyaha iyo ku-xigeennada iyo shaacinta liiska musharaxiinta Guddoonka Golaha wakiilada.
4-ta June, waxaa khudbadaha jeedin doona musharaxiinta guddoonka Golaha wakiilada, isla maalintaas waxaa la qaban doonaa doorashada Guddoonka Golaha wakiilada.
5-ta ilaa 6-da June, qabashada araajida musharaxiinta hoggaamiyaha oo socon doonta labo maalin, sidoo kale, 7-da bisha waxaa la shaacin doonaa liiska musharaxiinta. Maalinta 8-da, waxaa hadal jeedin doona musharaxiinta u tartamaya hoggaamiyaha maamul Koonfur Galbeed. 10-june, waa maalinta doorashada loo madlan yahay, sida jadwalka doorashada lagu shaaciyay.
