Muqdisho,(SONNA):- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta iyo Akademiyada Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), ayaa maanta ku qabatay xarunta Akademiyada Goboleedka Af Soomaaliga munaasabad lagu daahfurayay ereybixinta amniga saaybarka, taas oo ujeeddadeedu tahay horumarinta iyo mideynta ereyada Af-Soomaaliga ee la xiriira amniga saaybarka.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday hay’adaha dowladda, aqoonyahanno, khubaro dhanka luuqadaha ah, xeeldheereyaal teknoolojiyadeed iyo amniga saaybarka, iyo marti sharaf kale.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka hadlay Kusimaha Agaasimaha Guud ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Cabdifitaax Axmed Abuukar (Foodcade), oo ka hadlay baahida loo qabo in Af-Soomaaligu la jaanqaado horumarka teknoolojiyadda casriga ah.
“Afku waa hoyga aqoonta. Haddii afkeenna aanu la jaanqaadi karin horumarka teknoolojiyadda casriga ah, waxaa adkaanaysa in bulshada si buuxda uga faa’iidaysato isbeddellada cusub. Ereybixintani waxay qayb ka tahay dadaallada lagu kobcinayo Af-Soomaaliga, tayeynta adeegyada dowladda iyo wacyigelinta bulshada,” ayuu yiri Cabdifitaax Axmed Abuukar (Foodcade).
Prof. Cabdalla Cumar Mansuur, Kusimaha Guddoomiyaha Akademiyada Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), ayaa ka hadlay muhiimadda ereybixintu u leedahay horumarinta afka iyo cilmiyeyntiisa, isaga oo tilmaamay in mideynta ereyada cusub iyo ka faa’iidaysiga dadaalladii hore ee horumarinta Af-Soomaaligu ay muhiim u yihiin kobcinta iyo horumarinta afka.
“Ereybixintu waa waxa afka ka dhiga mid cilmiyeed. Marka ereyo cusub la sameynayo, waxaa muhiim ah in la mideeyo, laga fogaado tarjumaad xarfi ah, isla markaana laga faa’iidaysto dadaalladii hore ee lagu horumarinayay Af-Soomaaliga. Taasi waxay xaqiijinaysaa in afku sii ahaado mid la jaanqaadi kara aqoonta iyo culuumta cusub.” Prof. Cabdalla Cumar Mansuur.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay in dadaalladani ay yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo adeegsiga Af-Soomaaliga ee amniga saaybarka.
“Helitaanka ereybixin mideysan oo Af-Soomaali ah waxay fududeyn doontaa diyaarinta sharciyada, siyaasadaha, qoraallada cilmiyeed iyo agabka wacyigelinta ee la xiriira amniga saaybarka. Waxa kale oo ay ka caawin doontaa ardayda, waalidiinta iyo bulshada inteeda kale inay si fudud u fahmaan fikradaha iyo khataraha la xiriira dunida dijitaalka ah.” Mustafa
Mudane Mustafa ayaa sidoo kale xusay in ereybixintani ay fududeyn doonto tarjumaadda maqaallada cilmiyeed, buugaagta iyo agabka kale ee teknoolojiyadda, taas oo kor u qaadi doonta helitaanka aqoonta iyo ka qeybgalka bulshada ee arrimaha dijitaalka ah.
Daahfurka ereybixinta amniga saaybarka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo Af-Soomaaliga, laguna xoojinayo adeegsigiisa dhinaca amniga saaybarka, si bulshada Soomaaliyeed ay si sahlan ugu fahmaan ugana faa’iidaystaan fikradaha iyo erayada cusub ee la xiriira teknoolojiyadda casriga ah.





