Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jadwalka imtixaanka  fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay
    May 31, 2026
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka
    May 31, 2026
    Horjooge sare Khawaarijta ka tirsan oo howlgal lagu dilay
    May 30, 2026
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ka qeyb galay dhaarinta Xildhibaanada cusub ee K/Galbeed
    May 30, 2026
    Xildhibaanada la doortay ee K/Galbeed oo maanta la dhaariyay
    May 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
MaqaalladaWararka

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

By Abdulkadir
Last updated: May 31, 2026
4 Min Read
Share

Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run.

Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur Galbeed, waxay nasiib u yeesheen inay noqdaan Xildhibaanadii ugu horeeyay ee Dawlad Goboleed marka laga reebo Soomaaliland ee lagu soo doorto Nidaamka Qof iyo Cod, kuna dhisan Xisbiyo.

Waa talaabo hirgalinteeda loosoo maray jid adag, waa himilo soo jireen ah oo dad badan oo Soomaaliyeed ay rajaynayeen in ay Maalin uun goobjoog ka noqdaan.

Qormadaan, waxaan ku dul istaagi doonaa Sadex xaqiiqo, Sadex Fursadood, afar Iftiimin, Hal dardaaran, hal digniin iyo hal xusuus oo xisaab celin ah.

Xaqiiqo 1, waa talaabo inaga raraysa nidaamkii Doorashooyinka ee Dadbanaa ee aan kusoo jirnay Tobankii Sano ee tagtay, Kii xulista halka Oday ee 2012, iyo kuwii ka horeeyay ee hogaamiye kooxeedyadu lahaayeen awoodda, sidaas awgeed waxay bilaw u tahay kala guur rasmi ah oo aan ugu guurnay nidaamka Dimuquraadiyadda.

Xaqiiqo 2, waxay furtay albaabka awood siinta dadwaynaha, iyada oo Xildhibaanadaani ay noqonayaan kuwii ugu horeeyay ee ku fadhiya Codka Shacabkooda, halkaasna waa kala guur kale oo dhab ah, waxaan ka guurnay awoodii halka Qof, anagoo u guurnay awoodda ay Shacabku leeyihiin.

Xaqiiqo 3, waxay ku fadhiyaan Xildhibaanada cusub Nidaamka Xisbiyada taas oo iyana ah albaab cusub oo u furmay nidaamka Siyaasadeed ee Dalka, tanina waa bilawga kala guurka sadexaad ee Nidaamka Qabaailka aan uga guurayno kan xisbiyada.

Fursado.

Kala guurkaani, wuxuu abuurayaa fursado dahabi ah.

Fursad 1, wuxuu awoodaynayaa Shacabka Soomaaliyeed oo talada Dalkooda marti ka ahaa in ka badan Nus-qarni, kuwaas oo hadda noqonaya cidda leh awoodda soosaarista hogaamiyayaasha, taas oo dhalidoonta Dawlad haysata kalsoonida iyo Sharciyadda Dadkeeda iyagana u xisaab celisa.

Fursad 2, waxeey hoos u dhigaysaa nidaamka Qabaliga ah ee kala qaybinaya Shacabkeenna waxa ayna abuuraysaa Nidaam Xisbiyo ah kaas oo midaynaya Bulshada kuna midaynaya Aragti halkii ay isku raaci lahaayeen Qabiil.

Fursad 3, waxeey kor u qaadaysaa sumcadda Dawladnimadeena oo buuuxindoonta halbeegyada Caalamiga ah ee Dawladnimada ku dhisan Dimuquraadiyadda.

Iftiimin.

Dhamaystirka Kala Guurka.

Waxaan hadda bartanka uga jirnaa geediga kala guurkaan, si aan u dhamaystirnana waxaa jira dhawr qodob oo iyana mudan in aan maskaxda galino.

Iftiimin 1, maadaama ay tahay hawl adag, caqabado badan, cadaw xooganna leh, waxa ugu wayn ee aan u baahanahay waa adkaysi iyo isku duubni.

Iftiimin 2, waxa labaad waa feejignaan in aan nala qaldin, nala cabsi galin ama nala weecin maadaama hubka ugu wayn ee la doonayo in lagu hor istaago himiladaan ay tahay in si khaldan loogu fasiro Bulshadeenna.

Iftiimin 3, in aan gacanta ka qabano kuwa doonaya in ay dib inoo celiyaan, caqli iyo cudud hadba tii haboonna kaashano ayaa ah qodob kale oo mudan xusuusnaan.

Iftiimin 4, in Shacabkeenu muujiyo in tani ay tahay tiisa cidkasta oo hor istaagtana ay tahay cid awoodda iyo milkiyadda Dawladnimada u diidan Dadwaynaha.

Hal Dardaaran iyo hal digniin.

Dadkaygoow , mid waa dardaaran, marxaladaan waa mid taariikhi ah sidaas awgeed waa in aan si midnimo iyo waddaniyad leh u garab istaagno, mid kalana waa digtaanaashiyo, jidka aan marayno waa mid adag, Caqabado leh, cillado badan sababtuna waa duruufaha Dalkeenu ku jiro, sidaas awgeed waa in aan ka feejignaano cidkasta oo doonaysa in ay si khaldan uga faaiidaysato duruufahaas kuna hor istaagto himilooyinkeenna Qaran.

Hal xusuusin iyo xisaab celin ah, tani waa oofinta balanqaadkii Madaxwayne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ee ku xusnaa Barnaamij Siyaasadeedkiisii xlligii doorashada 2022,dii, iyo Balanqaadkii Xukuumadda Dan,Qaran ee ku caddaa Barnaamijkii Baarlamaanku ku ansixiyay xukuumadda isla Sanadkaas.

Alle ayaa mahadsan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub…

May 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka oo bulshada Soomaaliyeed ku boorriyay inay ka faa’iideystaan kheyraadkooda

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisulwasaaraha XFS ayaa sheegay in sannadkii 850,000 tan oo kalluun ah laga soo saari karo dalkeenna, Soomaaliduna ay haatan lasoo…

GudahaWararka
March 22, 2023

Madaxweynaha Galmudug Oo Sheegay In Shirka Dhuusamareeb Uu Qabsoomayo Waqtigii Lagu Balamay “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)- Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta dib ugu laabtay Caasimadda Galmudug kaddib socdaal hawleed oo…

Wararka
August 13, 2020

NISA oo Dekada iyo Garoonka Muqdisho mar kale ku qabatay Saanad Ciidan oo khawaarijta loo waday

MUQDISHO-(SONNA)-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Dekada Muqdisho ku qabtay Konteenar siday alaabo ay ciidamadu adeegsadaan oo ay…

GudahaWararka
May 20, 2023

Ra’iisul wasaare Xamse oo bulshada ku bogaadiyey kaalinta ay ka qaadanayaan ilaalinta amniga

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed looga baahan-yahay in…

GudahaWararka
May 27, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023