Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo bulshada ku bogaadiyey kaalinta ay ka qaadanayaan ilaalinta amniga
    May 27, 2026
    Wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb galay Shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika
    May 27, 2026
    Dowladda oo ka digtay in amniga la siyaasadeeyo
    May 27, 2026
    Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux
    May 27, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo
    May 27, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Ra’iisul wasaare Xamse oo bulshada ku bogaadiyey kaalinta ay ka qaadanayaan ilaalinta amniga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul wasaare Xamse oo bulshada ku bogaadiyey kaalinta ay ka qaadanayaan ilaalinta amniga
GudahaWararka

Ra’iisul wasaare Xamse oo bulshada ku bogaadiyey kaalinta ay ka qaadanayaan ilaalinta amniga

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: May 27, 2026
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed looga baahan-yahay in ay ilaashadaan amniga iyo xasilloonida caasimadda iyo guud ahaan dalkeenna oo si weyn uga soo kabtay amni darradii iyo dhibaatooyinkii lasoo maray.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo bulshada ku nool caasimadda Muqdisho kala qeyb-galay munaasabad lagu waynaynayo maalmaha qiimaha badan ee Ciidda, ayaa xusay in laga bogsaday marxaladihii adkaa ee dalkeennu soo maray ee isugu jiray qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee ay fulin jireen kooxaha Khawaarijta ah, taasi oo lagu bedelay amniga iyo xasilloonida ay caawa bulshada ku nool caasimadda sida nabdoon ay Madaxdooda ula qeybasadeen farxadda ciidda iyada oo aysan wax cabsi ah jirin.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalkeennu gaaray guulo waaweyn oo la taaban karo taasi oo ay markhaati ka yihiin Hooyada iyo Aabaha Soomaaliyeed iyo bulshada caasimadda, oo markii ay heleen amni iyo kala dambayn u jihaystay ka shaqaynta horumarka kabeyaasha dhaqaalaha iyo dowladnimada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa bogaadiyey hey’adaha amniga iyo ciidamada qalabka sida oo naftooda u huray xasilloonida dalka waxa uunna ku tilmaamay geesiyaal u shaqeeyay dalkooda oo dhiiggooda u hibeeyay in la gaaro heerka aynu maanta joogno.

“Boqollaal ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa u shahiiday nabadda caasimadda Soomaaliya ay maanta haysato, waxa ay mudnaayeen in loo mahadceliyo, la garab-istaago iyada oo looga dambaynayo howlaha amniga Qaranka iyo xasilloonida caasimadda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka ah in aysan siyaasadeyn shaqada amniga iyo ciidamada qalabka si kasta oo ay uga aragti duwan-yihiin madaxda dowladda, waxaa uu xusay in ay mar walba diyaar u yihiin in laga dhageysto aragtidooda iyada oo la tixgalinayo wixii u dan ah bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed loo dhigay dabinno badan oo halis galiyey jiritaankeenna iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed, balse shacabka Soomaaliyeed ee qiimaha badan ay iska diideen aragtidaas shisheeye, maantana ay diyaar u yihiin doorashooyin madax-bannaan oo qof iyo cod ah maadama ay dib u heleen xuquuqdoodii dastuurkiga ahayd.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisul wasaare Xamse oo bulshada ku bogaadiyey kaalinta ay ka qaadanayaan ilaalinta amniga

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in…

May 27, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Qaramada Midoobay oo ka walaacsan go’aanka Itoobiya ee lagu ceyriyay 7-sarkaal

Dowladda Itoobiya ayaa amar ku bixisay in dalka laga saaro toddobo sarkaal oo oo ka tirsan Qaramada Midoobay,sidda lagu sheegay…

Caalamka
January 7, 2023

Shiinaha oo xoojinaya xiriirka iskaashi ee kala dhexeeya Soomaaliya

Muqdisho (SONNA)- Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi…

Wararka
December 14, 2020

Wasiirrada gaashaandhiga ee Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dagaalka lagu soo afjarayo khawaarijta

MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan doceed kula yeeshey magalaada Muqdisho dhigiisa Dalka aan walaalaha…

GudahaWararka
January 30, 2023

𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐃𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐛𝐬𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐲

Muqdisho,(SONNA):- Maryama Maxamed Xuseen, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda iyo Daryeelka Bulshada XFS, ayaa ka qayb gashay munaasabad si rasmi ah loogu…

GudahaWararka
February 7, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023