Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdifitaax Qaasim ayaa ka digay in amniga dalka gaar ahaan nabadgalyada Muqdisho lagula kaco falal dhaawacaya xasiloonida iyo nabadgalyada Bulshada, isagoo xusay in loo baahanbyahay bulshadu inay fahmaan amnigu inuu yahay mid dalka oo dhan dan u wada ah.
“Amnigu ma ahan wax ay leeyihiin mucaarad iyo muxaafid ee waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed, iyagaana la rabaa inay ku fara adeygaan oo ay iska diidaan wax kasta oo xasillooni darro keeni kara” ayuu yiri wasiir Cabdifitaax.
Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in dowladdu ay dadaal weyn galisay sidii dalka looga qaban lahaa doorashooyinka toos ah oo dadka fursad u siinaya inay soo doortaan dadka siyaasadda ku matalaya, taas oo ah tallaabo hore loo qaaday.
“Dalku waxaa uu aaday doorasho qof iyo cod ah, wax wada-hadal ahna lagama geli doono doorasho dadban inay wadanka ka dhacdo.” ayuu yiri wasiir Cabdifitaax Qaasim.