Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda daahfurka diiwaangelinta Xog-dhowraha iyo Xog-adeegsadaha, taas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha.
Wasiirka ayaa sheegay in ilaalinta xogta dadweynaha ay tahay tiir muhiim ah oo ka mid ah amniga qaranka iyo casriyeynta adeegyada dowladda, isagoo xusay in tallaabadan ay ka caawinayso hay’adaha dowladda in ay si ammaan ah u maareeyaan xogaha shacabka.
Sidoo kale, Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa ku ammaanay hay’adda dadaalka ay muujisay muddada kooban ee ay shaqaynaysay, gaar ahaan horumarinta nidaamyada ilaalinta xogta iyo kor u qaadista wacyiga la xiriira amniga macluumaadka.
Wasiirka ayaa ku booriyay in la sii xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo xogta shacabka, si loo helo adeegyo dowladeed oo hufan oo kalsooni leh.
