Muqdisho (SONNA): Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxa ay ku wargelinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in laga bilaabo 1-da bisha Luulyo 2026, qof aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ama shahaadada lagu sugto Kaarka Aqoonsiga (NIRA) uusan codsan karin Baasaboorka Soomaaliya.
