Algeris (SONNA): Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh oo isaga iyo wafdigiisa ay booqasho rasmi ah kujoogaan dalka Algeria ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Algeria mudane Cabdimajiid Tabuun, iyaga oo ka wada hadlay; xiriirka taariikhiga ah ee labada dal walaalaha ah, iskaashiga iyo guud ahaan danaha labada dhinac.
Inta uu kulanku socday, Wasiir Cali Xoosh ayaa madaxweyne Cabdimajiid guddoonsiyey barqiyad gaar ah uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sidoo kale uga warbixiyey heerka iyo horumarada laga gaaray hortabinnada qaran iyo guud ahaan dedaallada dowladda Federalka ah Soomaaliya ee dhinacyada dimuqraadiyeynta, dib-u-heshiisiinta, dhismaha dowladnimada, dib-u-habaynta maamulka, xasilinta dalka iyo dib-u-soo kabashada deegaannada laga xoreeyay kooxaha argagixisada.
Kulankan uu sidoo kale qeyb ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi ayaa ugu dambeyntii Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh wuxuu madaxweyne Cabdimajiid uga mahadceliyey martiqaadka iyo martigelinta qiimaha badan iyada sidoo kale dhanka Algeria ay kulanka goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin sare sida; Mudane Ibraahiim Muraad oo Wasiirka dowlaha dowladaha hoose, mudane Axmed Cadhaaf oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, mudane Saciid Sactuun Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Cammaar Ciba oo ah lataliye sare ee madaxweynaha ee dhanka Diblomaasiyadda.
