Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Injineer Waleed bin Abdulkarim Al-Khereiji, si ay uga wada hadlaan xiriirka walaaltinimo ee qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka, amniga badda, saamaynta ay carqaladaha ka jira marin-biyoodka Hormuz ku leeyihiin dalalka nugul ee ku tiirsan ganacsiga, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada la dagaallanka argagixisada, ganacsiga, iyo iskaashiga dhaqaale.

