Baydhabo(SONNA);-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga, ayaa magaalada Baydhabo si rasmi ah uga daah-furay goobaha codbixinta doorashooyinka isku sidkan ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddoomiyaha iyo mas’uuliyiinta la socday ayaa kormeer ku tegay qaar ka mid ah goobaha codbixinta, halkaas oo shacabka magaalada Baydhabo ay si nabad ah uga dhiibanayeen codadkooda.
Kumannaan qof oo ka tirsan shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed ayaa saakay u dareeray goobaha codbixinta doorashada wakiillada iyo golayaasha degaanka. Doorashooyinkan ayaa ka socda 13 degmo oo ka kala tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Doorashada ayaa qayb ka ah dadaallada lagu hirgelinayo nidaamka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka.
