Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Amniga Gudaha ee XFS, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Burkina Faso, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Wasiirka Amniga ee dalkaas, Mahamadou Sana.
Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Ouagadougou Thomas Sankara International Airport, halkaas oo ay ku qaabileen Wasiirka Amniga Burkina Faso, Taliyaha Ciidanka Booliska, iyo saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha amniga dalkaas.
Booqashadan ayaa ujeedadeedu tahay xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada, is-weydaarsiga xogaha sirdoonka, iyo horumarinta wada shaqeynta hay’adaha amniga.
Inta uu socdo safarka, labada dhinac ayaa la filayaa inay yeeshaan kulamo muhiim ah oo diiradda lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku haya amniga gobolka.

