Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo hirgelisay ilaalinta siyaasadda bedqabka Rayidka Xalliyada Colaadaha
    April 25, 2026
    Guddoomiyaha Aqalka Sare โ€œMunaasabad dhaqan oo tan lamid ah weligey maโ€™arkin, wana astaan muujineyso midnimo”
    April 25, 2026
    Ka Qeybgalka Madaxweynaha ee Caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq: Fariin Mideyn, Dhaqan iyo Dowladnimo Isku Sidkan
    April 25, 2026
    Kulanka Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha
    April 25, 2026
    Hoggaamiyaha koonfur Galbeed oo daah-furay Qorshaha Isbeddelka Koonfur Galbeed iyo Siyaasadda Xalka Waara
    April 25, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Tรผrkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Tรผrkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ช๐š๐›๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐ฆ๐ฎ๐ง๐š๐š๐ฌ๐š๐›๐š๐ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐ฌ๐š๐ฒo ๐“๐จ๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐“๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ช๐š๐›๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐ฆ๐ฎ๐ง๐š๐š๐ฌ๐š๐›๐š๐ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐ฌ๐š๐ฒo ๐“๐จ๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐“๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š
GudahaWararka

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ช๐š๐›๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐ฆ๐ฎ๐ง๐š๐š๐ฌ๐š๐›๐š๐ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐ฌ๐š๐ฒo ๐“๐จ๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐“๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š

By Abdulkadir
Last updated: April 25, 2026
3 Min Read
Share

MMuqdiso(SONNA);-gaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf Xassan Isaaq ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray munaasabad ballaaran oo lagu xusay Todobaadka Caalamiga ah ee Tallaalka, kaas oo ah olole sannadle ah oo caalamka oo dhan laga hirgeliyo si kor loogu qaado wacyiga bulshada loona muujiyo doorka muhiimka ah ee tallaalku ku leeyahay badbaadinta nolosha, gaar ahaan carruurta daโ€™doodu ka yar tahay shanta sano.

Ololahan caalamiga ah ayaa diiradda saaraya dhiirrigelinta bulshada si ay uga faaโ€™iideystaan adeegyada tallaalka, iyadoo la xasuusinayo in tallaalku yahay mid ka mid ah hababka ugu waxtarka badan ee looga hortagi karo cudurrada faafa ee halista ah. Hal-ku-dhigga sanadkan ayaa ah: โ€œJiil kasta, tallaalku waa difaac la isku halleyn karo,โ€ taasoo muujineysa muhiimadda ay leedahay in jiil kasta helo tallaal dhammaystiran si loo xaqiijiyo caafimaadkooda mustaqbalka.

Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka qeyb galay masโ€™uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda, agaasime waaxeedyo kala duwan, Agaasimaha Isbitaalka Banaadir, iyo wakiillo ka socday hayโ€™adaha caalamiga ah ee taageera adeegyada caafimaadka sida WHO iyo UNICEF. Sidoo kale waxaa goobta joogay khubaro caafimaad, dhakhaatiir iyo xubno ka tirsan bahda Caafimaadka Soomaaliyeed.

Intii ay socotay munaasabadda, waxaa la soo bandhigay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan horumarka laga gaaray adeegyada tallaalka dalka, iyadoo la tilmaamay in dadaallada wadajirka ah ee Wasaaradda iyo hayโ€™adaha la shaqeeya ay keeneen koror muuqda oo ku yimid tirada carruurta la tallaalay, isla markaana si weyn hoos loogu dhigay cudurrada faafa ee halista ah. Waxaa si gaar ah loo xusay cudurrada sida jadeecada, dabeysha (polio) iyo gowracatada oo hore saameyn weyn ugu lahaa bulshada balse hadda si weyn loo xakameeyay.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay wacyigelinta bulshada, gaar ahaan waalidiinta, si ay u fahmaan in tallaalku yahay badbaado nololeed oo carruurta ka difaaca cudurro sababi kara naafo ama dhimasho. Masโ€™uuliyiinta ayaa caddeeyay in adeegyada tallaalka ay yihiin kuwo bilaash ah oo laga heli karo xarumaha caafimaadka ee dalka oo dhan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka goโ€™an tahay xoojinta iyo ballaarinta adeegyada tallaalka si loo gaaro dhammaan carruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada fog-fog. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in la sii laba jibbaarayo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka guud ahaan dalka.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ayaa ugu baaqay waalidiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan hooyooyinka, inay si joogto ah carruurtooda ugu geeyaan xarumaha caafimaadka si ay u helaan tallaallada lagama maarmaanka ah, isagoo xusay in tallaalku yahay difaac sugan oo lagu badbaadin karo nolosha carruurta laguna xaqiijin karo bulsho caafimaad qabta oo mustaqbal leh.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo hirgelisay ilaalinta siyaasadda bedqabka Rayidka Xalliyada Colaadaha

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta qaabilay wafdi heer…

April 25, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Tababar ku saabsan illaalinta Xuquuqul Insaanka oo Muqdisho lagu qabtayโ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaan Cabdifataax Qaasim ayaa tababar ku saabsan illaalinta Xuquuqul Insaanka u…

GudahaWararka
June 30, 2021

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ: “๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ฒ๐˜†๐˜€๐˜๐—ฎ๐˜† ๐—พ๐—ผ๐—ณ๐—ธ๐—ถ๐—ถ ๐—ฑ๐—ถ๐—น๐—ฎ ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ ๐—ฎ๐˜† ๐—ฑ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ž๐—ต๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ท๐˜a”

Muqdisho-(SONNA)- Raโ€™iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay booqday dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu…

GudahaWararka
March 13, 2025

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah oo isku xirta Dabakaaya Madow & Macalin Nuur

Muqdisho (SONNA):-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha wadda Laami…

GudahaWararka
October 26, 2023

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka oo saxiixay heshiis muhiim ah

Muqdisho-(SONNA)-Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa saxiixay heshiis saddex-geesood oo ka dhexeeya Xafiiska Hantidhawrka Guud ee…

GudahaWararka
May 10, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023