Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray qaybta Hooyada iyo Dhallaanka ee Isbitaalka Forlanini ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasimaha Isbitaalka Forlanini Dr. Maxamed Jacfar, agaasimayaasha isbitaalada dowliga ah, agaasime-waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, xoghayaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC), dhakhaatiir, maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka Forlanini, wakiil ka socday Hormuud Foundation, iyo marti sharaf kale.
Qeybtan cusub ee Hooyada iyo Dhallaanka ayaa si casri ah loo qalabeeyey, waxaana loogu talagalay bixinta adeegyo caafimaad oo dhameystiran oo ku saabsan daryeelka hooyooyinka uurka leh, kuwa umulaya iyo dhallaanka cusub, iyadoo la hubinayo adeegga bulshada oo tayo sare leh.
Muhiimadda ay leedahay qeybtaan ayaa ah in ay si weyn uga qeyb qaadaneyso yareynta sababaha dhimashada hooyada iyo dhallaanka, kordhinta helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh, iyo horumarinta umulinta badbaadada leh, taas oo muhiim u ah caafimaadka guud ee bulshada.
Sidoo kale, furitaanka qeybtaan ayaa xoojinaya kalsoonida bulshada ay ku qabaan isbitaallada dowladda, isla markaana taageeraya dadaallada Wasaaradda Caafimaadka ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka dalka, gaar ahaan kuwa hooyada iyo dhallaanka.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa bogaadiyey dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay hirgelinta mashruucan, isagoo xusay in horumarinta adeegyada hooyada iyo dhallaanka ay tahay mudnaan qaran oo muhiim u ah badbaadinta nolosha iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.
