Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu dilay in ka badan 33 dhagarqabe, sidoo kalana lagu burburiyay gaari Cabdi-bile ah iyo xarumo ay gabbaad ka dhiganayeen Khawaarijta, ka fuliyay deegaanka Guulane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka koowaad ayaa lagu bartilmaameedsaday guri ay ku sugnaayeen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ah, halkaas oo lagu dilay 15 dhagarqabe, waxaana la burburiyay xaruntii ay ku sugnaayeen oo ay u qorsheenayeen in ay u adeegsadaan abaabulka maleeshiyaadka iyo maleegidda dhagarta argagixiso.
Sidoo kale, howlgallo isxig-xigay oo lagu beegsaday maleeshiyaad ku dhuumaaleysanayay deegaanka Guulane ayaa lagu khaarijiyay in ka badan 18 dhagarqabe, waxaana lagu gubay gaari Cabdi-bile ah oo ay u adeegsanayeen daabulka iyo dhaq-dhaqaaqa maleeshiyaadka, taas oo si buuxda u fashilisay abaabulkii ay wadeen.
Howlgalladan ayaa yimid kaddib markii sirdoonka qaranku xaqiijiyay in maleeshiyaad gaaraya 90 xubnood lagu uruuriyay deegaanka si loogu adeegsado falal amniga lid ku ah, waxaana taas xigay tallaabooyin qorsheysan oo lagu wiiqay halistii Khawaarijta. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.