Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa shir guddoomiyay kulan wada tashi ah oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, kaasoo looga hadlay caqabadaha ka jira Wabiga Shabeellada Hoose iyo baahida loo qabo dib u dayactirka buundooyinka muhiimka u ah isku socodka iyo dhaqaalaha deegaanka.
Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xal u helidda buundooyinka u baahan dayactirka iyo dib u dhiska, kuwaas kala ah buundooyinka Sabiib, Caanoole, Bariire, Janaalle iyo Awdhiigle, kuwaas oo door weyn ka qaata isu socodka bulshada, ganacsiga iyo gaadiidka sida dalagyada beeraha kasoo go’a.
Shirka waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Gaashaandhigga Wasiir Axmed Macalin Fiqqi, Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xil. Ayuub Ismaaciil Yuusuf, Guddoomiyaha SoDMA, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, ganacsato, beeraleyda Gobolka Shabeelle Hoose iyo deegaanka Golweyn, Sariflayaal, Hormuud Salaam Foundation, iyo ADC.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dowladda, ganacsatada iyo bulshada si loo xalliyo caqabadaha ka jira wabiga, loona hubiyo in la helo buundooyin shaqeynaya iyo nadaafad lagu sameeyo marinnada biyaha webiga.
Ugu dambeyn, kulanka waxaa lagu uruuriyay dhaqaalle lagu taageerayo howlaha dib looga soo saaraayo wabiga biraha buundooyinka ee ku go’ay iyo nadiifinta wabiga, si loo fududeeyo isu socodka bulshada iyo gaadiidka dalagyada beeraha kasoo qaada, si loo xoojiyo wax soosaarka beeraha ee Gobolka Shabeelle Hoose.
