Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxda Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay wafdi kormeer ah
    April 18, 2026
    Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo Kormeer shaqo ku tagay Wasaaradaha Koonfur Galbeed
    April 18, 2026
    Shirka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dalka oo Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay
    April 18, 2026
    Maamulka Gobolka Banaadir oo soo gaba-gabeeyay Toddobaadka Qaran ee Dhir-beerista
    April 18, 2026
    Ciidanka Xoogga oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle
    April 18, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Shirka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dalka oo Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dalka oo Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay
GudahaWararka

Shirka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dalka oo Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay

By Abdulkadir
Last updated: April 18, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka 7-aad ee Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dalka, kaas oo socday muddo laba maalmood ah.

Shirka waxaa guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Mudane Axmed Xasan Aadan, oo si faahfaahsan uga warbixiyay waxqabadka Wasaaradda iyo qorshayaasha muhiimka ah ee lagu horumarinayo waaxda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee dalka.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay wasiirrada kalluumeysiga ee dowlad-goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Waqooyi Bari, iyo sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Banaadir. Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha kalluumeysiga ee dowlad-goboleedyada, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay doodaha iyo qorsheyaasha la soo bandhigay.

Wasiirka ayaa shirka ku soo bandhigay mashaariic waaweyn oo ay Wasaaraddu waddo, kuwaas oo ay ka mid yihiin mashruuca Badmaal 2026 iyo mashruuca FIMS (Xog-ururinta Kalluumeysiga) oo ay si wadajir ah u fulinayaan Wasaaradda iyo hay’adda FAO. Labadan mashruuc ayaa saldhig u ah qorsheynta iyo horumarinta kheyraadka badda Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa shaaciyay heshiis muhiim ah oo dhexmaray Wasaaradda iyo shirkadda OYAK, kaas oo lagu aasaasay shirkad wadajir ah oo lagu magacaabo SOMTURK. Shirkaddan ayaa diiradda saari doonta maalgashiga iyo horumarinta kalluumeysiga dalka, iyadoo la qorsheynayo in la keeno ilaa 40 markab oo kalluumeysi si loo kordhiyo wax-soo-saarka iyo dakhliga laga helo kheyraadka badda.
Intii uu socday shirka, waxaa sidoo kale si qoto dheer looga dooday sidii loo dardargelin lahaa horumar waara oo lagu sameeyo waaxda kalluumeysiga, loona hubin lahaa in bulshada Soomaaliyeed ay si toos ah uga faa’iideysato kheyraadka hodanka ah ee badda.

Gabagabadii shirka, waxaa la isku raacay in la soo saaro warsaxaafadeed rasmi ah oo lagu faahfaahinayo qodobadii la isku afgartay iyo tallaabooyinka xiga ee lagu xoojinayo horumarka kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee dalka.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay wafdi kormeer ah

Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkadir Cali,…

April 18, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Mas’uuliyiinta Hiiraan oo guddoomay deeq samofal ah oo loogu talagalay ciidanka

Mas’uuliyiin ka socday Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo odoyasha dhaqanka ayaa deeq kaalmo ah oo isugu jirtay lacag, raashin, xoolo…

Gudaha
July 13, 2025

Kumaandooska Danab oo Argagixisada ka saaray Deegaano ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ka saaray Degaano ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose, Kadib howlgal…

Wararka
June 24, 2020

Wasiir Beene beene oo ka hadlay xaaladda adag ee ka jirta Jubaland

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene oo qudbad ka jeediyey maanta xarunta golaha shacabaka…

GudahaWararka
November 29, 2023

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo gabdho suxufiyiin ah tababar ugu soo xirey Muqdisho +sawirro

Muqdisho(SONNA) Munaasabad tababar loogu soo xirayay gabdho suxufiyiin ah oo gaaraya ilaa 15 lana barayay sidii xirfadohoodi suxufinimo kor loogu…

Wararka
December 18, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023