WashingtonDC (SONNA): Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii ๐๐-๐๐๐ ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, xili Magaalada Washington DC uu ka soconayo shirka Xiliga Guโga ee IMF iyo Bangiga Adduunka oo sanad waliba xiligaan oo kale la qabto.
Shirkan oo ahmiyad gaar ah leh ayaa diiradda lagu saaray horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah kobaca dhaqaale ee dalalka gobolka, kuwaas oo laf-dhabar u ah xoojinta is-dhexgalka ganacsiga iyo iskaashiga dalalka Geeska Afrika.
Intii uu shirku socday, Wasiirrada Maaliyadda ku bahoobay madashan ayaa isla falanqeeyay fursadaha iyo caqabadaha horyaalla maalgelinta kaabayaasha muhiimka ah, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo lagu horumarinayo isku xirnaanta ganacsiga, gaadiidka iyo adeegyada kale ee dhaqaalaha.
