Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta XFS Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf ayaa maanta ka qayb galay kulan wadatashi ah oo ku saabsan Horumarinta Kaabayaasha iyo Magaalooyinka, kaas oo uu la yeeshay Dalladda SORECA oo ah dallad ay ku midaysan yihiin Shirkadaa Dhismaha Dalka oo dhan.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo Dalladda SORECA, si loo mideeyo mudnaanta horumarinta kaabayaasha iyo magaalooyinka, loona abuuro hannaan wada-shaqeyn oo wax ku ool ah, kaas oo taageera kobaca iyo nidaaminta qaybta dhismaha dalka.
Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Maamulka Guud ee SORECA, Mudane Khaalid Axmed Cali, oo sharaxay doorka iyo muhiimadda ay Dalladdu ku leedahay horumarinta dhismaha iyo kaabayaasha dalka.
Intii uu socday kulanku, waxaa diiradda la saaray isdhaafsiga aragtiyo iyo wadatashi kooban oo dhex maray Wasaaradda iyo xubnaha Dalladda SORECA. Sidoo kale, xubnaha Dalladdu waxay soo bandhigeen waxqabadkooda iyo kaalinta ay ku leeyihiin horumarinta dhismaha iyo kobcinta magaalooyinka.
Ugu dambayn, kulanka waxaa si rasmi ah u soo xiray Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan ayub Ismail Yusuf, oo tilmaamay in dhawaan la daahfuri doono dhismaha wadooyin halbowle u ah isku socodka iyo kaabayaasha, kuwaas oo maraya heer gaba-gabo ah.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashi joogto ah oo horseeda horumar waara, si loo dardargeliyo kobaca iyo tayeynta kaabayaasha dalka.
