Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland
    April 11, 2026
    Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika
    April 11, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus
    April 11, 2026
    Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo gacanta ku dhigay Mooto lagu soo raray Hoobiyeyaal iyo Miinooyin 
    April 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
GudahaMaqaalladaWararka

Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay

By Ruush Abdullahi
Last updated: April 11, 2026
7 Min Read
Share

Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye oo laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey, kaas oo howlgal shidaal qodis ah ka sameyn doona Xeebaha dalka Soomaaliya, iyadoo tallabadaasi ay qeyb ka tahay fulinta heshiisyo iskaashi dhaqaale iyo difaac oo ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiye,waxayna haatan u muuqataa in la guda galay fulintooddii. Ceelasha seddexda ah ee uu Turkiga u qodaayo Soomaaliya hadda waa Badda Gunteeda hoose, iyadoo Seddaxda Ceel shidaal ee ugu horeeyo ee Soomaaliya loo qodi doono waxa ay kala yihiin:- Xirmooyinka 142, 152 iyo 153,

Dekadda “Mersin” oo ah Dekadda 2aad ee ugu weyn Dalka Turkiga ayuu ka soo baxay  Markabka weyn ee Drilling Ship, laguna magacaabo ” Cagri Bey (IMO 9705457)”, kaasi oo ah midka ugu muhimsan  Maraakiibta Shidaalka Qodo ee Dalka Turkiga, si uu ugu dambeeyn u bilaabo Qodidda Shidaalka, bacdaama ay soo dhamaatay howlihii kale ee hubinta shidaalka ahaa.

Haddaba maalintii Khamiista aheyd oo bisha Apriil ay aheyd 9-ka ayuu soo gaaray magaalada Muqdisho, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga  ee Dalka Turkiye oo Muqdisho soo gaaray Alparslan Bayraktar ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in Çağrı Bey (markab) uu Soomaaliya u yimid howlihiisa taariikhiga ah. “Waxaan furaynaa bog cusub oo taariikhda tamarta ee Turkiga iyo Soomaaliya ah,” ayuu raaciyay. “Waxaanu leenahay Bismillaah hawshii ugu horraysay ee aanu ka wadno qodista badda hoose ee ka baxsan xuduudaheena” ayuu yiri Wasiirku.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Tamarta, Çağrı Bey ayaa lagu wadaa in uu qodo Ceelka loogu magac daray “Curad-1” ee ku yaala Soomaaliya, waxaana la filayaa in uu ku shaqeeyo Gunta hoose ee Badda ama qoto dheer oo dhan 7,500 mitir (in ka badan 24,600 Cagood), taasi oo ku qaadaneysa muddo 288 maalmood ah. Wasaaraddu waxay ku tilmaantay ololahan inuu yahay hawshii ugu horreysay ee Turkiye ee sahaminta badda hoose ee dibadda. Turkiga, ayaa sanadihii ugu dambeeyay, sidoo kale kor u qaaday dadaalka gudaha ee sahaminta iyo soo saarista Saliidda iyo Gaaska labadaba.

Goobta qodista ayaa la doortay ka dib markii Markabka Turkiga ee Oruç Reis uu horay uga ururinayey xogta seddex meelood oo ah xeebaha Soomaaliya. “Turkiga ayaa xiriir dhow la leh dalka Geeska Afrika, iyadoo tamarta ay tahay mid ka mid ah dhinacyada iskaashiga dhinacyada badan leh”, sida ay qortay Jariidadda Daily Sabah.

Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in Ceelka shidaalka Soomaaliya ee Curad-1 loo qorsheeyay in la qodo  Gunta hoose ee Moolka Badda 7,500 mitir, iyadoo howlgalkaasi la filayo inuu qaato waqti dheer oo farsamo ahaan adag, iyadoo intaasi raacisay in haddii qodista Ceelkan lagu guuleysto, Curad-1 wuxuu noqon karaa mid ka mid ah Ceelasha ugu qotoda dheer ee badda laga qodo Caalamka, gaar ahaan isagoo geli kara kaalinta labaad ee Ceelasha noociisa oo kala ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo shalay ka qayb galay munaasabadda soo dhoweynta markabka casriga ah ee qodista shidaalka ee Çağrı Bey, kaasi oo si rasmi ah u billaabaya howlaha qodista shidaalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in imaanshaha markabka Çağrı Bey ay tahay tallaabo qaran oo dalkeenna u horseedaysa horumar dhaqaale, koboc maalgashi iyo fursado shaqo oo cusub, isaga oo xusay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso in kheyraadka dabiiciga ah looga faa’iideeyo si mas’uuliyad leh oo shacabka Soomaaliyeed dan u ah, wuxuuna xusay in amniga dalku uu horseeday maalgashi shisheeye oo caalami ah, kaasi oo ay markhaati ka yihiin shacabka Soomaaliyeed, isaga oo muujiyay muhiimadda ay leedahay in si hufan oo masuuliyad leh looga faa’iidaysto khayraadka dalka.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay maareyn hufan oo caddaalad ku dhisan, si dakhliga ka soo baxa kheyraadka shidaalka loogu beddelo adeegyo bulsho, horumar dhaqaale iyo xasilooni waarta, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga iskaashiga dhow ee ay la leedahay Soomaaliya, kuna ammaanay taageerada joogtada ah ee ay ka geysanayso dib u dhiska, horumarinta iyo kobcinta awoodda dhaqaale ee dalka.

Munaasabaddan taariikhiga ah oo ka dhacday Dekadda Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiye Ku xigeenka ee Golaha Shacabka BJFS, Ra’iisulwasaaraha XFS, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiiro ka tirsan XFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka dabiiciga ah ee Turkiga, Safiiro iyo marti sharaf kale.

“Soomaaliya waxa ay u guuraysa nabad iyo barwaaqo waxa ay ka guuraysa amni-darro iyo dhaqaale la’aan, waxa aan leenahay hadaf cad oo Madaxweynaha Qaranka uu la yimid kaasi oo la yiraahdo Qorshaha Qarni-jirka ah 2060-ka oo ka tarjumaysa geeddiga socda ee muuqda ee dowlad-dhiska Soomaaliya”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre oo ka haadlaayay munaasabadda soo dhaweynta Markabka ka howlgalaya soo saarisita shidaalka Soomaaliya, wuxuuna Carrabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta danaha shacabka, isla markaana ay hubin doonto in khayraadka dalka loo maareeyo si caddaalad ah oo  daah-furan.

Dalkeena marka laga eego dhinaca badda (offshore), waxaan leenahay ku dhowaad 250 Ceel shidaal sida la sheegay. Ceel kasta cabbirkiisu waa 50km × 100km, taasoo ka dhigeysa in mid kasta uu leeyahay baaxad dhan 5,000 km², balse hadda waxaa shaqo laga bilaabayaa 3 ceel oo kaliya, waxaana ugu horreeya ceelka CURAD-1.

Waxaa sidoo kale jira shirkado badan oo howshan ka qeyb qaadanaya, silamid ah walaalaheen Turkiga oo iyaguna bilaabaya qodista shidaalka. Ummadda Soomaaliyeed waxaan rajeyneynaa inay taageeraan dowladdooda, si loo dardargeliyo soo saarista shidaalka dalka, loogana gudbo xaaladaha adag ee ku gadaaman dalkeenna. Sidoo kale, aan si diirran u soo dhoweyno rajada ummadda Soomaaliyeed, markabka “Cagri Bey”.

Ugu dambeyntii waxaa Dekedda Muqdisho laga sii sagootiyay Markabka   Cağri Bey, isagoo u jiheystay goobta ugu horreysa ee horey loo calaamadeeyay, taasi oo magaalada Muqdisho dhinca waqooyi kag beegan una jirta 372 Km, deegaan ahaanna waxaa lagu magacaabaa Xeebta Mareeg ee Degmada Qadiimiga ah Ceeldheer ee Gobolka Galguduud. ‘Howl wacan ayaan u rajeyneynaa’.

By. C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay…

April 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka dhallinyaradda iyo Ciyaaraha ee XFS oo kulan la yeeshay safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya

MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka SoomaaliyaMaxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdiraxiim Warsame Diiriye…

GudahaWararka
January 9, 2023

Wararkii ugu dambeeyay Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha

Muqdisho,(SONNA):- Howlwadeennada waa as gurmadka deg degga ah ee maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa abaarihii 6:32…

GudahaWararka
May 13, 2025

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka oo codkiisa ka dhiibtay degmada Dharkeenley

Muqdisho(SONNA):- Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ka qeyb galay doorashada…

GudahaWararka
December 25, 2025

Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin

Dublin(SONNA):-Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, Mudane Maxamed Caddow, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 16-aad ee Ururka Caalamiga ah…

GudahaWararka
September 5, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023