Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka iyo Isbitaalka Hodan oo kala saxiixday heshiis muhiim ah
    April 5, 2026
    Taliyaha Ciimada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada
    April 5, 2026
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba 
    April 5, 2026
    Wasiirro katirsan XFS oo booqasho ku tegay qaybo ka mid ah magaalada Baydhabo
    April 5, 2026
    Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda SODMA
    April 5, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom
GudahaWararka

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom

By Abdulkadir
Last updated: April 5, 2026
1 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, qaraabada, iyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, geerida ku timid S/Guuto Yacquub Maxamed Siyaad, oo ahaa Taliyihii hore ee Ciidanka Danab iyo TurkSom.

Marxuumka ayaa lagu tilmaamay haldoor qaran oo door weyn ka qaatay dib u dhiska iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ka qeyb qaatay dagaalkii 1977, isaga oo caan ku ahaa khibrad ciidan, hoggaan sare, iyo karti uu ku hogaamiyo ciidanka.

Sidoo kale, waxaa lagu xasuusan doonaa dallacaad taariikhi ah oo uu mar qura ku helay 12 darajo, iyo doorkiisii muuqday ee tarbiyeynta jiilal cusub oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.
Marxuum S/Guuto Yacquub Maxamed Siyaad waxa uu sidoo kale wax ku bartay culuumta Daraasaadka Difaaca iyo Istiraatiijiyadda ee Jaamacadda Difaaca Qaranka Shiinaha intii u dhaxeysay 2024 ilaa 2025.

Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu janadii Firdowsa ka waraabiyo, ehelka iyo qarankana uu samir iyo iimaan ka siiyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka iyo Isbitaalka Hodan oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo Isbitaalka Hodan ayaa si rasmi ah…

April 5, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS oo shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad ee Golaha Aqalka Sare

Muqdisho(SONNNA):-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay weheliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir…

GudahaWararka
January 13, 2024

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Gobollada Waqooyi

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira wada-tashiyo Qaran oo lagu ilaalinayo midnimada iyo…

GudahaWararka
December 28, 2025

Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa tababbar u furay 30 xubnood oo la barayo Filim soo saarida

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa tababbar lagu baranayo habka sameynta iyo soo saarista Filmada u furay ilaa 30…

GudahaWararka
August 31, 2024

Habraaca Saxda ah ee Doorshada Aqalka Sare ee BFS (Somaliland).

Muqdisho (SONNA)- Habraaca Saxda ah ee Doorshada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  (Somaliland).

Gudaha
September 19, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023