Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba 
    April 5, 2026
    Wasiirro katirsan XFS oo booqasho ku tegay qaybo ka mid ah magaalada Baydhabo
    April 5, 2026
    Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda SODMA
    April 5, 2026
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED
    April 5, 2026
    Afhayeenka Madaxtooyada “Madaxweynaha Qaranka wuxuu Baydhabo u joogaa adkeynta nabadda iyo dhisidda nidaam maamul oo dimuqraadi ah”
    April 5, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo la kulantay Ururada Haweenka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo la kulantay Ururada Haweenka
GudahaWararka

Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo la kulantay Ururada Haweenka

By Dahir Aadan Cali
Last updated: April 4, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaadatay ururrada Haweenka, kulankaasi oo ku saabsanaa xaaladaha ay ku sugan yihiin Haweenka Koonfur Galbeed fursadaha, caqabadaha iyo daruufaha ku xeeran.

Xubno ka mid ah Haweenka kulanka kasoo qeybgalay oo ku hadlay magaca ururrada Haweenka ayaa uga waramay xaaladaha ay ku sugan yihiin Haweenka gobollada Koonfur Galbeed ku dhaqan, caqabadaha heysta iyo baahiyahooda waxaana ay dhammaantood bogaadiyeen guullaha baaxada leh ee ay gaartay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa Haweenka warbixin ka siisay guulaha ay Wasaaradda Qoyska gaartay iyo tallaabooyinka ay Wasaaradda u qaaday wax ka qabashada tacadiyada iyo Hormarinta haweenka kuwaasi oo ay ka mid yihiin:- In markii ugu horeysay qoondada Haweenka lagu cadeeyey 30% sharciga Doorashooyinka iyo Sharciga Axsaabta, Ansixinta Sharciga ka hortagga Tacadiyada ka dhanka ah arrimaha Jinsiga ,Sharciga ka hortagga Gudniinka Fircooniga, Sharciga Arrimaha Qoyska oo waxbadan xuquuq siinaya Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa dhinaca kale Haweenka kulanka kasoo qeybgalay uga warbixisay tallaabooyinka u qorsheysan iney Wasaaraddu u qaado hormarinta Haweenka Soomaaliyeed iyo in guud ahaanba meesha laga saaro tacadiyada ay la kulmaan Haweenka ayadoo ugu dambeynna ku boorisay Haweenka kulanka kasoo qeybgalay isku duubni iyo wadajir iney uga gudbaan daruufaha ku xeeran islamarkaana wadajir looga faa’ideysto fursadaha jira.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba 

Baydhabo(SONNA);-Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno…

April 5, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Degmada Marka oo ka warbixiyey howlgalllo ciidamadu ay ka fuliyeen duleedka Degmadaasi.

Martka.(SONNA)...Guddoomiyaha degmada Marko ee Xarunta Gobolka Sh/hoose Cabdullaahi Cali Axmed Waafow oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyey…

Wararka
January 20, 2020

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo soo gudbiyay qabashada doorashada 11 kursi oo Golaha Shacabka ah

Muqdisho (SONNA)-Guddiga maamulka Doorashada (SEIT) ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed ayaa qabashada 11- kursi oo Gollaha Shacabka u soo gudbiyay…

GudahaWararka
November 19, 2021

Madaxweynaha JFS oo kormeeray Xarunta Tababarka Ciidamada Taliska 60-aad ee Baydhabo

Muqqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray Xarunta Tababarka Ciidamada Taliska 60-aad ee Xoogga dalka ee…

GudahaWararka
January 22, 2023

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay tartan horyaalka ah oo ka dhacay Garoonka Eng Yariisow Stadium “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA) Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo ay horkaceysay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta, Marwo Basma Caamir…

CiyaarahaWararka
March 13, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023