Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta beeraha oo ay hirgelisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, taas oo loogu talagalay xoojinta isku-duwidda iyo wada-shaqeynta barnaamijyada horumarinta beeraha ee dalka.
Madashan oo ay ka qayb qaadanayaan wasaarado kala duwan iyo hay’adaha caalamiga ah sida FAO iyo WFP, ayaa diiradda saari doonta mideynta dadaallada dowladda, hay’adaha horumarinta iyo daneeyayaasha kale, si loo kordhiyo wax-soo-saarka loona xoojiyo sugnaanta cuntada, iyadoo la hirgelinayo qorshe mideysan oo lagu horumarinayo qaybta beeraha ee Soomaaliya.
Mudane Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, ayaa sheegay in barnaamijkan uu horseed u noqon doono horumarinta beeraleyda Soomaaliyeed, sidoo kalena laga hortagi doono xaaladaha abaaraha ee dhanka beeraha iyo adkeysiga isbeddelka cimilada.