Muqdisho.SONNA— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xilalkii ka qaaday Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Ismaaciil Shire Jaamac iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Asad Cabdirisaaq Maxamed.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu cuskaday qodobada 120-aad iyo kan 117-aad ee dastuurka JFS iyo xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada, iyadoo isla markaana la tixgaliyay baahida loo qabo in la sii xoojiyo hawlaha wasaaradaha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey masuuliyiintaan muddadii ay u soo shaqeeyeen Qaranka, wuxuuna oo u rajeeyey mustaqbal wanaagsan.