Muqdisho(SONNA);-Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowga ee Tanzania ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga maareynta arrimaha socdaalka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha la xiriira.
Heshiiska waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), halka dhinaca Tanzania uu u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Patrobas Paschal Katambi. Sidoo kale munaasabadda saxiixa waxaa goobjoog ka ahaa madaxda hay’adaha socdaalka ee labada dal, Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow iyo Marwo Dr. Anna P. Makakala.
Heshiiskan cusub waxa uu xoojinayaa xiriirka diblomaasiyadeed, amni iyo ganacsi ee ka dhexeeya labada dal, isaga oo qayb ka ah dadaallada lagu hormarinayo iskaashiga dalalka ku bahoobay East African Community.
Labada dhinac ayaa isla qaatay in si degdeg ah loo hirgeliyo qodobbada heshiiska, kuwaas oo diiradda saaraya fududeynta isu-socodka muwaadiniinta. Muwaadiniinta sita baasaboorrada diblomaasiga ah iyo kuwa shaqaalaha dowladda ayaa laga dhaafay dal-ku-galka (Visa on Arrival). Sidoo kale, muwaadiniinta ku safaraya baasaboorrada caadiga ah ee labada dal ayaa 24 saacadood gudahood ku heli doona dal-ku-gal, si loo dardargeliyo isu-socodka dadka iyo ganacsatada.
Ugu dambeyn, waxaa si gaar ah loogu mahadceliyay dadaalka iyo shaqada hagar la’aanta ah ee Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan, iyo dhammaan howlwadeennada safaaradda Soomaaliya ee ka howlgala dalka Tanzania, kuwaas oo door muuqda ka qaatay hirgelinta heshiiskan.
