Muqdisho,(SONNA):- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Cumar Cali Afrax ayaa guddoomiyay shir muhiim ah oo looga hadlay qorshaha dhismaha waddooyinka iyo nidaamka bulaacadaha ( Drainage System) ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Muddada shirka uu socday waxaa si weyn loogu gorfeeyay qorshaha iyo naqshadda wadooyinka gudaha garoonka iyo dhismaha nidaam bulaacado oo tayo leh, si loo xoojiyo bilicda, amniga iyo habsami u socodka adeegyada garoonka.
Sidoo kale, Mas’uuliyiintu waxay isla garteen muhiimadda uu mashruucani u leeyahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sare u qaadista tayada adeegyada Garoonka diyaaradaha, iyadoo mashruucan uu qeyb ka yahay hirgelinta Mashruuca Nagaad oo ay taageerayso World Bank.
Shirka, sidoo kale, waxaa ka qeyb galay Maareeyaha Garoonka Mudane Cabdinaasir Gurey iyo Maareeye Ku-xigeenka Mudane Daa’uud Axmadeey, iyo sidoo kale Agaasimayaasha Waaxaha Qorsheynta iyo waaxda Horumarinta Garoomada Diyaaradaha.
Waxaa kaloo qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’ada UNOPS.
